Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya Oo Bilowday Olole Looga Hortagayo cudurka Ebola

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ballaaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, iyadoo la xoojinayo tallaabooyinka caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshada iyo ka hortagga faafitaanka cudurkaasi halista ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 26, 2026, 11:27 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya Oo Bilowday Olole Looga Hortagayo cudurka Ebola
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ballaaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, iyadoo la xoojinayo tallaabooyinka caafimaad ee lagu ilaalinayo bulshada iyo ka hortagga faafitaanka cudurkaasi halista ah.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in la kordhiyay feejignaanta caafimaad, gaar ahaan goobaha laga soo galo dalka. Wasaaraddu waxay ka digtay halista cudurka Ebola oo wali saameyn ku haya qaar kamid ah dalalka Afrika, iyadoo adkeysay muhiimadda baaritaanka iyo la socodka dadka looga shakiyo xanuunka.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda, Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ayaa loo asteeyay xarunta ugu weyn ee lagu baarayo kiisaska looga shakiyo Ebola. Qof kasta oo laga shakiyo inuu qabo cudurka ayaa mari doona baaritaanno caafimaad si loo xaqiijiyo xaaladdiisa.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in la dardargelinayo wacyigelinta bulshada, tababarrada shaqaalaha caafimaadka iyo xoojinta nidaamyada lagu ogaanayo cudurrada faafa. Tallaabooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu yareeyo qatarta cudurka iyo in si degdeg ah looga jawaabo haddii kiis la helo.

Walaaca ugu weyn ayaa ka dhashay faafitaanka Ebola ee dalka Uganda, taas oo sare u qaaday cabsida laga qabo in cudurku ku faafo dalalka deriska la ah. Soomaaliya ayaa xiriir joogto ah la leh dalalka gobolka, iyadoo ay si joogto ah isaga kala gooshaan shaqaale, ganacsato iyo xubno ka tirsan hay’adaha caalamiga ah.

Dalka waxaa sidoo kale ku sugan ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo shaqaale ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo si joogto ah ugu safra dalalka gobolka. Arrintan ayaa sii kordhisay dadaallada dowladda ee lagu adkeynayo kormeerka caafimaad iyo ka hortagga cudurrada faafa.

Isbitaalka Martiini ayaa hore door muhiim ah uga qaatay la tacaalidda cudurka Covid-19, waxaana lagu qalabeeyay agab iyo adeegyo caafimaad oo loogu talagalay maaraynta xaaladaha degdegga ah iyo cudurrada faafa.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.