• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ka digtay halista Ebola ee Bariga Afrika

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo ka digtay halista Ebola ee Bariga Afrika
Share

Wararka24: Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoojisay dadaallada looga hortagayo cudurka Ebola kadib markii kiisaska cudurkaasi laga soo sheegay dalal ku yaalla Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryan Maxamed Xuseen, ayaa sheegtay in dowladda ay diiradda saareyso diyaar garow caafimaad iyo wacyigelin bulshada ah si looga hortago in cudurka Ebola uu soo gaaro gudaha Soomaaliya.

“Maanta waxaan ka shaqeyneynaa horumarka dalkeenna, iyadoo waddamada deriska ah uu ka dillaacay cudurka Ebola oo khatar ku ah nolosha bulshada,” ayay tiri wasiiraddu.

Hadalkeeda ayay ka jeedisay kulan ay yeesheen Wasaaradda Caafimaadka, Xarunta Qaranka ee Caafimaadka Dadweynaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera arrimaha caafimaadka, kaas oo looga hadlay qorshaha ka hortagga cudurrada faafa iyo xoojinta nidaamka digniinta degdegga ah.

Dr. Maryan ayaa sheegtay in cudurka Ebola laga soo sheegay dalal ay ka mid yihiin Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Rwanda, kuwaas oo xiriir dhinaca socdaalka iyo ganacsiga la leh Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika.

Waxay tilmaamtay in xuduudaha gobolka ay yihiin kuwo aad u furan, isla markaana dadka si joogto ah ugu kala safraan dalalka deriska ah iyagoo adeegsanaya diyaarado iyo gaadiid kala duwan, taas oo kordhin karta khatarta cudurka.

“Hal kiis oo Ebola ah ama xitaa qof looga shakiyo cudurka wuxuu sababi karaa xaalad caafimaad oo degdeg ah, maadaama Ebola uu si fudud ugu faafo bulshada dhexdeeda,” ayay mar kale sheegtay wasiiraddu.

Masuuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay sare u qaadayaan nidaamka digniinta hore ee lagu ogaanayo cudurrada faafa, iyadoo shaqaalaha caafimaadka gobollada lagu amray inay si degdeg ah usoo gudbiyaan warbixin kasta oo la xiriirta xaalado looga shakiyo Ebola.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu dambeyn ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan hay’adaha caafimaadka, isla markaana ay feejignaadaan haddii ay arkaan calaamado looga shakiyo cudurka, si looga hortago faafitaan suurtagal ah.

DAAWO


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.