Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday madaxda iyo dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal si loo gaaro hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 4:22 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya
Share

Wararka24: Beesha caalamka ayaa walaac ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday madaxda iyo dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadal si loo gaaro hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

War-saxaafadeed wadajir ah oo la soo saaray 1-da June 2026 ayaa lagu sheegay in xaaladda taagan ay u baahan tahay deganaan, tanaasul iyo wadahadal miro-dhal ah. Saxiixayaasha bayaanka ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan danta qaranka iyo xasilloonida dalka.

Bayaanka ayaa xusay in loo baahan yahay heshiis degdeg ah oo ku saabsan khariidadda doorashada, si shacabka Soomaaliyeed loogu horseedo geeddi-socod siyaasadeed oo la isku raacsan yahay. Waxa kale oo lagu caddeeyay in beesha caalamku diyaar u tahay taageeridda wadahadal kasta oo ay Soomaalidu hoggaaminayso.

Dhinacyada saxiixay bayaanka waxaa ka mid ahaa hay’adaha iyo dalalka taageera Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah uga digay tallaabooyin keeni kara xiisad horleh ama khilaafka sii xumeeya.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa iyaduna soo saartay farriin gaar ah oo ay ugu baaqday dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan ficillo horseedi kara rabshado ama qalalaase siyaasadeed.

Baaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay muranka ka dhashay arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo mustaqbalka hay’adaha federaalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaysa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ay dalbanayaan in marka hore la gaaro heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Xiisadda siyaasadeed ee sii xoogeysanaysa ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni, dhaqaale iyo kuwo bini’aadantinimo, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho xasilloonida guud ee dalka.

Beesha caalamka ayaa ku celisay baaqeeda ah in dhammaan dhinacyadu ka shaqeeyaan wada-hadal iyo is-afgarad, si looga fogaado xaalado keeni kara dib-u-dhac siyaasadeed ama amni darro cusub.

War-saxaafadeedka wadajirka ah


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.