Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya iyo Ruushka oo xoojinaya iskaashiga difaaca+sawiro

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay dhiggiisa Ruushka, Vasily Osmakov, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga dhanka difaaca.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 2:46 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya iyo Ruushka oo xoojinaya iskaashiga difaaca+sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay dhiggiisa Ruushka, Vasily Osmakov, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga dhanka difaaca.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, difaaca iyo hannaanka lagu horumarin karo wada-shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Ruushka.

Labada mas’uul ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista wadahadallada iyo iskaashiga joogtada ah, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto ballaarinta xiriirrada caalamiga ah ee taageeraya horumarinta awoodda ciidamadeeda iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.

Sannadihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay wada-shaqeynta Muqdisho iyo Moscow, iyadoo labada dowladood ay yeesheen kulamo iyo heshiisyo la xiriira dhinacyada amniga, caafimaadka, gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Ruushka ayaa sidoo kale hore Soomaaliya ugu deeqay gargaar bani’aadannimo oo ay kamid yihiin shixnado qamadi ah oo loo qaybiyay bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Dhanka kale, Moscow ayaa marar kala duwan muujisay taageerada ay u hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la dhowro sharciga caalamiga ah iyo wadajirka dalka.

Kulanka ka dhacay Moscow ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaallada sii kordhaya ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

51 minutes ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 hour ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

2 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.