Wararka24: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay dhiggiisa Ruushka, Vasily Osmakov, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga dhanka difaaca.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, difaaca iyo hannaanka lagu horumarin karo wada-shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Ruushka.
Labada mas’uul ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista wadahadallada iyo iskaashiga joogtada ah, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto ballaarinta xiriirrada caalamiga ah ee taageeraya horumarinta awoodda ciidamadeeda iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.
Sannadihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay wada-shaqeynta Muqdisho iyo Moscow, iyadoo labada dowladood ay yeesheen kulamo iyo heshiisyo la xiriira dhinacyada amniga, caafimaadka, gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Ruushka ayaa sidoo kale hore Soomaaliya ugu deeqay gargaar bani’aadannimo oo ay kamid yihiin shixnado qamadi ah oo loo qaybiyay bulshooyinka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.
Dhanka kale, Moscow ayaa marar kala duwan muujisay taageerada ay u hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo ku baaqday in la dhowro sharciga caalamiga ah iyo wadajirka dalka.
Kulanka ka dhacay Moscow ayaa loo arkaa mid qayb ka ah dadaallada sii kordhaya ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka.






















