Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Dowladda Ruushka oo Soomaaliya ku wareejisay raashin gargaar bani’aadannimo ah

Dowladda Ruushka ayaa maanta Soomaaliya ku wareejisay deeq gargaar bani’aadannimo ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha nololeed ee adag ee ka jira qaybo kamid ah dalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 15, 2026, 5:30 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Dowladda Ruushka oo Soomaaliya ku wareejisay raashin gargaar bani’aadannimo ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Ruushka ayaa maanta Soomaaliya ku wareejisay deeq gargaar bani’aadannimo ah oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha nololeed ee adag ee ka jira qaybo kamid ah dalka.

Deeqdan ayaa lagu wareejiyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, halkaas oo ay kasoo degtay diyaaraddii sidday gargaarka.

Safiirka Ruushka ee Soomaaliya, Mikhail Golovanov ayaa si rasmi ah dowladda Soomaaliya ugu wareejiyay shixnadda gargaarka oo ka kooban 25 tan oo raashin ah, isaga oo ay dhinac taagnaayeen qunsulka Ruushka iyo saraakiil kale oo ka socotay dowladda Moscow.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ee goobta joogay waxaa kamid ahaa wasiirka warfaafinta, guddoomiyaha hay’adda SODMA iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha dowladda ee qaabilsan arrimaha gurmadka iyo gargaarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in deeqdan ay qeyb ka tahay taageerada caalamiga ah ee lagu garab istaagayo shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya xaaladaha bani’aadannimo, xilli qaybo kamid ah dalka ay weli saameyn ku leeyihiin abaarta iyo barakaca.

Sidoo kale, dowladda federaalka ayaa dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya ugu baaqday inay kordhiyaan taageerada bani’aadannimo si wax looga qabto baahiyaha sii kordhaya ee shacabka nugul, gaar ahaan dadka ku nool deegaanada ay abaaruhu saameeyeen.

DAAWO


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

3 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

4 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

4 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

4 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

4 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

5 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

5 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.