Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xogta Mahad Salaad iyo Sheekh Shariif oo kulan xalay ku yeeshay Muqdisho

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salad, ayaa xalay kulan kula yeeshay hoygiisa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo bannaanbaxyo la qorsheynayo maalmaha…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 30, 2026, 12:58 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xogta Mahad Salaad iyo Sheekh Shariif oo kulan xalay ku yeeshay Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salad, ayaa xalay kulan kula yeeshay hoygiisa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed, iyadoo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo bannaanbaxyo la qorsheynayo maalmaha soo socda.

Sida ay sheegayaan wararka la helayo, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo sidii looga hortagi lahaa dhacdo kasta oo saameyn ku yeelan karta amniga guud ee magaalada.

Ilo ku dhow Sheekh Shariif ayaa sheegay in Mahad Salaad uu soo jeediyay in dib loo eego waqtiga bannaanbax la qorsheeyay inuu qabsoomo 4-ta Juun, si loo helo diyaar-garow amni oo dheeraad ah. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada amniga lagu wargeliyay inay xaqiijiyaan nabadgelyada isu-soo-baxyada haddii ay dhacaan.

Dhankiisa, Sheekh Shariif ayaa la sheegay inuu tilmaamay in qorshaha bannaanbaxa uu yahay go’aan ay si wadajir ah u gaareen xubnaha Golaha Mustaqbalka, balse uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wax walba ku dhacaan si nabad ah oo aan khalkhal gelin amniga.

Kulankan ayaa yimid saacado kadib kulan kale oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen Xasan Sheekh
Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Taliye Mahad Salaad

Wararka siyaasadeed ayaa sidoo kale tilmaamaya in kulamada iyo wada-tashiyada socda ay xiriir la leeyihiin arrimaha doorashada Galmudug, oo haatan ah mid ka mid ah mowduucyada ugu waaweyn ee lagu falanqeynayo fagaarayaasha siyaasadda dalka.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay NISA, Madaxtooyada ama Golaha Mustaqbalka oo si faahfaahsan uga hadlay natiijada kulanka xalay, hase yeeshee waxaa muuqata in dadaallo lagu doonayo in lagu ilaaliyo amniga Muqdisho ay sii socdaan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.