Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo dhaliilay siyaasadaha maamulka Puntland iyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 1, 2026, 1:39 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, isaga oo dhaliilay siyaasadaha maamulka Puntland iyo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha, wasiirka ayaa sheegay in tiro badan oo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Puntland ay tahriibeen, halka kuwo kalena ay u soo guureen magaalada Muqdisho si ay uga raadsadaan fursado shaqo iyo nololeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland inuu hor istaagay qaar kamid ah adeegyada iyo barnaamijyada dowladda federaalka, isagoo tusaale u soo qaatay arrimaha la xiriira aqoonsiga qaranka iyo barnaamijyada loogu talagalay dhalinyarada.

Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in Puntland ay marar badan ka hor timid qorshayaal iyo mashaariic ay wadday Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku dooday in arrintaasi saameyn ku yeelatay wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale, wasiirka ayaa dib u xusay muranno hore oo dhex maray dowladda federaalka iyo Puntland, kuwaas oo ay kamid tahay khilaafkii ka dhashay markab hub sida oo lagu qabtay xeebaha Puntland sanadihii la soo dhaafay.

Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira dastuurka, doorashooyinka iyo awood-qaybsiga dalka.

Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana la sugayaa haddii ay ka soo saaraan wax war ah oo ku saabsan hadalladaasi.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

52 minutes ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 hour ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

2 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.