Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Puntland oo taageero u muujisay maamulka Galmudug

Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay garab taagan tahay maamulka Galmudug xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka maamulkaasi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 30, 2026, 5:50 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Daawo: Puntland oo taageero u muujisay maamulka Galmudug
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay garab taagan tahay maamulka Galmudug xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka maamulkaasi.

Lugatoor oo ka hadlay xaaladda Galmudug ayaa sheegay in labada maamul ay yihiin deris xiriir dhow leh, isla markaana xasilloonida iyo amniga Galmudug ay muhiim u tahay Puntland. Wuxuu xusay in Puntland ay danaynayso in Galmudug ay sii ahaato mid degan oo mideysan.

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qaarkood laga soo raray furimaha dagaalka si loogu xoojiyo amniga gudaha, isaga oo ku dooday in xaaladda siyaasadeed ee taagan ay keentay dhaq-dhaqaaqyo cusub oo dhinaca amniga ah.

Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta Galmudug inay ka shaqeeyaan ilaalinta wadajirka iyo xasilloonida maamulka, isaga oo sheegay in xal kasta lagu gaari karo wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed.

Sidoo kale, Lugatoor ayaa caddeeyay in Puntland ay taageero u fidin doonto dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo midnimada Galmudug, isaga oo ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta khilaaf ama qalalaase cusub.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay isa soo tarayaan wararka ku saabsan khilaaf siyaasadeed oo la xiriira doorashada soo socota ee Galmudug, kaas oo la sheegay inuu u dhexeeyo madaxda maamulka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Daawo


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.