• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb
Share

Wararka24: Xaaladda guud ee deegaannada Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay tahay mid deggan, kadib warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay oo ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xaalado amni oo ka jira magaalada Dhusamareb.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay magaalada, isla markaana xaaladda amniga ay tahay mid caadi ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ammaanka magaalada ay si wadajir ah u sugayaan ciidamada heer federaal iyo kuwa maamulka Galmudug, iyadoo aysan jirin wax xiisad ah oo laga dareemayo gudaha magaalada.

Sidoo kale, waxaa Dhuusamareeb ku sugan madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kaas oo sii wada howlaha maamulka iyo kulamada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka soo socda.

Dhanka kale, magaalada iyo guud ahaan deegaannada Galmudug waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka maamulkaasi. Musharixiin dhowr ah ayaa bilaabay kulamo iyo ololeyaal ay taageero uga raadinayaan bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka.

Sida jadwalku yahay, doorashada Galmudug ayaa la qorsheeyay inay qabsoonto 20-ka June 2026, markaas oo la qaban doono doorashada golayaasha deegaanka iyo xubnaha baarlamaanka dowlad-goboleedka.

Jadwalka ayaa sidoo kale muujinaya in doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug la qaban doono 2-da July, halka doorashada madaxweynaha maamulkaasi loo asteeyay 9-ka July 2026.

Doorashooyinkan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay ee Galmudug uga dhaca hannaan qof iyo cod ah, iyadoo ay socdaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaar-garowga xisbiyada siyaasadeed ee ka qeyb galaya tartanka.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo hay’adaha doorashooyinka ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi amni iyo xasillooni leh.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.