Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb

Xaaladda guud ee deegaannada Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay tahay mid deggan, kadib warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay oo ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xaalado amni oo ka jira magaalada Dhusamareb.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 29, 2026, 11:11 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Xog: Diyaar-Garowga Doorashada Galmudug Iyo Xaaladda Dhuusamareeb
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Xaaladda guud ee deegaannada Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay tahay mid deggan, kadib warar saacadihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay oo ku saabsanaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xaalado amni oo ka jira magaalada Dhusamareb.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in aysan jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay magaalada, isla markaana xaaladda amniga ay tahay mid caadi ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ammaanka magaalada ay si wadajir ah u sugayaan ciidamada heer federaal iyo kuwa maamulka Galmudug, iyadoo aysan jirin wax xiisad ah oo laga dareemayo gudaha magaalada.

Sidoo kale, waxaa Dhuusamareeb ku sugan madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), kaas oo sii wada howlaha maamulka iyo kulamada siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka soo socda.

Dhanka kale, magaalada iyo guud ahaan deegaannada Galmudug waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ku saabsan doorashooyinka maamulkaasi. Musharixiin dhowr ah ayaa bilaabay kulamo iyo ololeyaal ay taageero uga raadinayaan bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka.

Sida jadwalku yahay, doorashada Galmudug ayaa la qorsheeyay inay qabsoonto 20-ka June 2026, markaas oo la qaban doono doorashada golayaasha deegaanka iyo xubnaha baarlamaanka dowlad-goboleedka.

Jadwalka ayaa sidoo kale muujinaya in doorashada guddoonka baarlamaanka Galmudug la qaban doono 2-da July, halka doorashada madaxweynaha maamulkaasi loo asteeyay 9-ka July 2026.

Doorashooyinkan ayaa noqon doona kuwii ugu horreeyay ee Galmudug uga dhaca hannaan qof iyo cod ah, iyadoo ay socdaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diyaar-garowga xisbiyada siyaasadeed ee ka qeyb galaya tartanka.

Mas’uuliyiinta Galmudug iyo hay’adaha doorashooyinka ayaa sheegay inay wadaan dadaallo lagu xaqiijinayo in doorashooyinka ay ku dhacaan jawi amni iyo xasillooni leh.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

14 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.