• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xiisadda Villa Somalia iyo Galmudug oo sii xoogeysatay

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xiisadda Villa Somalia iyo Galmudug oo sii xoogeysatay
Share

Wararka24: Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa sii xoogeysatay, kadib tallaabooyin cusub oo la sheegay inay qaaday Villa Somalia, kuwaas oo si toos ah u saameynaya maamulka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay amar siisay ciidamada booliska, NISA iyo milatariga ee ku sugan deegaannada Galmudug in aysan si toos ah uga amar qaadan karin madaxda maamulka Galmudug, balse amarrada looga soo gudbin doono Muqdisho.

Tallaabadan ayaa loo fasirtay mid sare u qaadaysa khilaafka siyaasadeed ee labada dhinac, isla markaana muujineysa isbeddel ku yimid xiriirka Villa Somalia iyo Dhuusamareeb. Ilo wareedyo amni ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay u muuqato mid diyaarineysa isbeddel siyaasadeed oo degdeg ah.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada booliska Galmudug ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb si ay kulamo ula yeeshaan laamaha amniga iyo saraakiisha dowladda federaalka. Kulamadan ayaa la xiriira xaaladda amni iyo muranka ka taagan hoggaanka ciidamada.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay kadib markii Madaxweyne Qoor-Qoor uu buriyay magacaabistii taliye cusub oo dowladda dhexe dhawaan u magacowday Galmudug, isaga oo dib xilka ugu celiyay taliyihii hore. Arrintan ayaa sii muujisay kala aragti duwanaanta ka dhex jirta labada dhinac.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa haatan si weyn uga howlgala ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan cutubyo gaar ah sida Danab iyo Gorgor, kuwaas oo amarkooda iyo mushaarkoodaba ka qaata dowladda dhexe.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maalmaha soo socda magaalada ay gaari doonaan masuuliyiin sare iyo musharrax la sheegay inuu taageero ka heysto Villa Somalia, taas oo loo arko gogol-xaar u ah isbeddel siyaasadeed oo cusub oo ka dhici kara Galmudug.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.