Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland Oo Dadka deegaanka Calmiskaad U Qabatay Shan Maalmood si ay uga baxaan

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ugu baaqay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Calmiskaad inay muddo shan maalmood gudahood ah uga baxaan goobaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 28, 2026, 6:16 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland Oo Dadka deegaanka Calmiskaad U Qabatay Shan Maalmood si ay uga baxaan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ugu baaqay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Calmiskaad inay muddo shan maalmood gudahood ah uga baxaan goobaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in cid kasta oo ku sii nagaata deegaanada uu dagaalku ka socdo wixii ka dambeeya muddadaasi loo aqoonsan doono inay la shaqeynayso kooxaha “argagixisada”, isaga oo xusay in ciidamada ammaanka Puntland ay sii xoojin doonaan howlgalada ka socda buuraha Calmiskaad.

“Dadka deegaanka waxaan ugu baaqayaa inay kasoo guuraan goobaha dagaalku ka socdo inta uu socdo howlgalka. Qofkii ku haraya halkaas wixii ka dambeeya muddada shanta cisho ah, waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso,” ayuu yiri Maxamed Baari Shire.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay nabaddoonada iyo bulshada deegaanka inay ciidamada kala shaqeeyaan soo saarista dadka uu sheegay inay gabaad ka dhigteen buuraha Calmiskaad.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in maalin kasta ay dhacaan weerarro iyo falal amni darro oo saameyn ku leh shacabka deegaanka, isaga oo tusaale u soo qaatay dhacdooyin la xiriira xoolo laga dhacay dadka reer miyiga ah.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan la aqbali karin in dad rayid ah ay sii joogaan goob dagaal culus ka socdo, xilli ciidamada Puntland ay kordhinayaan howlgalada militari ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Hadalka Maxamed Baari Shire ayaa kusoo aadaya maalmo kadib markii qoys reer miyi ah lagu duqeeyay deegaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhinteen hooyo xaamilo ahayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Howlgalada ka socda buuraha Calmiskaad ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ay ku dooneyso inay ku cirib tirto maleeshiyaadka Daacish ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka Bari.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.