• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Duqayn culus oo ka dhacday Miiraale aya lagu beegsaday xubno Daacish ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Duqayn culus oo ka dhacday Miiraale aya lagu beegsaday xubno Daacish ah
Share

Wararka24: Duqayn xooggan ayaa maanta ka dhacday deegaanka Ceelka Miiraale ee maamulka Puntland, iyadoo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacishi.

Wararka laga helayo furimaha dagaalka ayaa sheegaya in duqayntan loo maleynayo inay fuliyeen ciidamada Maraykanka, iyadoo kusoo aadeysa xilli dagaallo culus ay tan iyo shalay halkaasi ku dhex-marayeen ciidamada Puntland iyo dagaalyahannada Daacish.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay wadaan howlgallo ka dhan ah kooxda, si ay uga saaraan fariisimaha ay weli kaga harsan yihiin aagga Ceelka Miiraale. Ilo amni ayaa tilmaamay in duqaynta ay qeyb ka tahay taageerada militari ee ay Maraykanku siiyaan howlgalada ka dhanka ah kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay la kulmeen iska caabin adag oo uga timid kooxda Daacish, taas oo dib u dhigtay dadaalladii lagu doonayay in si buuxda looga saaro goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Puntland ama dowladda Maraykanka oo xaqiijinaya duqaynta iyo khasaaraha ka dhashay. Si kastaba, muuqaallo laga soo duubay jiidda hore ayaa muujinaya qaraxyo xooggan oo ka dhacay goobaha la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen xubnaha kooxda.

Howlgallada ka socda buuraha iyo togagga u dhow magaalada Bosaso ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyada Daacish, kadib markii kooxda ay dib ugu soo laabatay deegaanno hore looga saaray.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.