• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyay buuraha Calmiskaad

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyay buuraha Calmiskaad
Share

Wararka24: Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeyn cirka ah ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Daacish. Weerarkan ayaa lagu sheegay mid lagu beegsaday fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaankaasi.

Taliska AFRICOM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay in howlgalka uu ka dhacay deegaan qiyaastii 46 mayl u jira koonfur bari magaalada Bosaso. AFRICOM ayaa sheegtay in bartilmaameedku ahaa garabka Daacish ee ka dagaallama Puntland.

War saxaafadeedka taliska ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta, mana shaacin tirada dagaalyahannada la beegsaday. Sidoo kale, AFRICOM waxay joojisay sanadkii hore inay si rasmi ah u soo bandhigto qiimeynta khasaaraha rayidka.

Duqeyntan ayaa noqoneysa weerarkii 62-aad ee Mareykanka ka fuliyo gudaha Soomaaliya sanadkan, taasoo muujinaysa kororka howl gallada cirka ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, gaar ahaan Daacish iyo Al-Shabaab.

Kororka weerarradan ayaa yimid kadib markii maamulka Donald Trump uu dabciyay qaar ka mid ah xeerarka la xiriira howl gallada milatari, taasoo fududeysay fulinta duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarrada degdegga ah ee ka baxsan goobaha dagaalka ee caadiga ah.

Buuraha Calmiskaad ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa goob dagaallo culus ay ka socdeen, iyadoo ciidamada Puntland ay wadeen guluf ka dhan ah kooxaha Daacish ee halkaasi ku dhuumaaleysanaya.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.