Wararka24: Xiisad diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Jarmalka kadib markii Madaxweynaha Donald Trump uu amar ku bixiyay in 5,000 oo askari oo Mareykan ah laga saaro Jarmalka. Go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf uu ka taagan yahay mowqifyada labada dhinac ee la xiriira dagaalka Iran.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in qorshahan uu qayb ka yahay dib-u-eegis lagu sameeyay joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Yurub, iyadoo la qorsheynayo in dalalka Yurub ay si weyn u qaataan mas’uuliyadda difaacooda. Pentagon-ka ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada lagu dhammeystiri doono muddo u dhexeysa lix ilaa laba iyo toban bilood.
Go’aanka ayaa yimid kadib hadallo kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz, kaas oo dhaliilay sida maamulka Trump u wajahayo dagaalka Iran. Hadalladaas ayaa sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Washington iyo Berlin.
NATO ayaa muujisay walaac ku saabsan saameynta go’aankan, iyadoo saraakiil ka tirsan isbahaysiga ay sheegeen in dhimista ciidamada ay wiiqi karto awoodda difaac ee Yurub iyo fariinta loo dirayo Russia.
Jarmalka ayaa ah xarunta ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Yurub, waxaana ku sugan kumanaan askari iyo xarumo militari oo muhiim ah. Khubarada ayaa sheegaya in tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto wada-shaqeynta amniga ee labada dal iyo xiriirka NATO.
Go’aankan cusub ayaa sidoo kale dib u soo celiyay doodihii hore ee ku saabsanaa doorka Mareykanka ee difaaca Yurub, iyadoo madaxda Yurub ay hadda ka fikirayaan sidii ay u xoojin lahaayeen awooddooda militari si madax-bannaan.


















