• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Maamulka Puntland oo si adag cambaareeyay Dowladda Federaalka kadib…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Maamulka Puntland oo si adag cambaareeyay Dowladda Federaalka kadib…
Share

Wararka24: 4-02-2026 Maamulka Puntland ayaa si adag u cambaareeyay weerar ay ku eedeeyeen in aroortii hore lagu qaaday xildhibaanno iyo senatarro ka soo jeeda Puntland oo ku sugnaa hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in abbaaro 3:00 habeenimo ciidamada ammaanka ay galeen Hotel Airport ee Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen xildhibaanno iyo senatarro ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Puntland ayaa sheegtay in dhacdadaasi ay ku lug lahayd gacan-qaad iyo afduub.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa sheegay in la kaxeystay Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha bulshada, iyadoo lagu tilmaamay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo aan loo marin hannaan rasmi ah.

“Falkan waa mid dhaawacaya nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Puntland, oo sidoo kale mas’uuliyadda wixii ka dhasha dhacdada dusha ka saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Puntland ayaa ku adkeysatay in aanay jirin wax dacwad ama eedeyn sharci ah oo loo hayay xubnaha lagu weeraray hotelka, isla markaana aan la marin habraac sharci ah kahor inta aan tallaabada la qaadin.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan eedeymahaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli la filayo in labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan fadhi muhiim ah oo lagu codeynayo wax ka beddelka dastuurka dalka, iyadoo in ka badan 30 xildhibaan oo ka soo jeeda Puntland ay horay u muujiyeen diidmo ku aaddan isbeddelkaas.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.