• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dooda ka taagan Baarlamaanka DF Soomaaliya ee ansixinta dastuurka KMG ah

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka
Share

Wararka24: 4-02-2026 Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan xasaasi ah oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa, kaas oo looga doodayo laguna meel-marinayo wax ka beddelka cutubyada muhiimka ah ee Dastuurka KMG ah.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa farriin u diray xubnaha labada Gole si ay uga soo qeybgalaan fadhiga, iyadoo ajendaha ugu weyn uu yahay ansixinta cutubyada 4-aad ilaa 13-aad ee dastuurka. Qodobbadan ayaa horey uga soo gudbay marxaladihii doodda iyo dib u eegista ee ay sameeyeen mudanayaasha.

Si loo ansixiyo wax ka beddelka dastuurka, waxaa loo baahan yahay aqlabiyad gaar ah oo ka kooban saddex meelood laba meel xubnaha labada Aqal. Golaha Shacabka oo ka kooban 275 xildhibaan ayaa looga baahan yahay ugu yaraan 184 mudane inay fadhiga soo xaadiraan si ay u buuxiyaan shuruudda aqlabiyadda.

Dhanka Aqalka Sare oo tiradiisu tahay 54 senator, waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 36 xubnood inay kasoo qeybgalaan fadhiga si loo helo tirada sharcigu qabo. Marka la isku daro labada Aqal, guud ahaan waxaa la doonayaa in ku dhawaad 220 mudane ay joogaan si codeyntu u noqoto mid sharci ah.

Dhanka kale, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay hareeraha xarunta Baarlamaanka iyo waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay taagan tahay dood xooggan oo ku saabsan wax ka beddelka dastuurka, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Jubbaland iyo Puntland, ay si cad uga hor yimaadeen qorshaha wax ka beddelka dastuurka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.