Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu Turkiga ka codsaday inuu gacan ka geysto dib u bilaabidda wadahadallo uu la yeesho hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan.
Warbaahinta Sudanese Echo, oo soo xiganaysa ilo ogaal u leh wadahadallada, ayaa sheegtay in codsigan loo gudbiyay Ibraahim Kalin, oo ah madaxa sirdoonka Turkiga, xilli uu booqasho ku joogay magaalada Abu Dhabi.
Ilaha ayaa sidoo kale sheegay in Abu Dhabi ay Turkiga ka dalbatay inuu ku qanciyo Khartoum inay joojiso ololaha warbaahineed ee lagu dhaleeceynayo doorka Imaaraadka ee dagaalka Suudaan.
Kulanka Kalin ee Abu Dhabi, oo dhacay horraantii bishan, waxaa xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Imaaraadka.
Kalin waxaa qaabilay Ku xigeenka Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Mansuur bin Zaayid Aal Nahyan. Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay La taliyaha Amniga Qaranka, Sheekh Taxnuun bin Zaayid, iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka, Cali bin Xammaad Al-Shaamsi.
Warka rasmiga ah ee kulanka ayaa sheegay in looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga amniga iyo arrimaha gobolka iyo caalamka. Laguma xusin Suudaan.
Safiirka Turkiga ee Imaaraadka ayaa sheegay in wadahadallada diiradda lagu saaray dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Codsigan la sheegay ayaa yimid xilli Imaaraadka uu wajahayo cadaadis caalami ah oo la xiriira eedeymo ah inuu taageero siiyo ciidamada RSF ee Suudaan.
Warbixin ay khubarada Qaramada Midoobay diyaariyeen ayaa horey u sheegtay in shabakad caalami ah ay gacan ka geysatay howlgallada RSF, iyadoo la adeegsanayay marinno isku xira Imaaraadka, Chad, Liibiya iyo Puntland.
Imaaraadka ayaa si joogto ah u beeniyay inuu hub ama taageero milatari siiyo RSF.
Turkiga ayaa xiriir toos ah la leh hoggaanka milatariga Suudaan, isla markaana xiriir dhow la leh Imaaraadka.
Bishii Diseembar 2024, Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyay inuu dhexdhexaadiyo Suudaan iyo Imaaraadka, waxaana la sheegay in labada dhinac ay soo dhaweeyeen.
Ma cadda in Suudaan ay aqbali doonto dadaal cusub, maadaama khilaafka ugu weyn uu ku saabsan yahay eedeymaha taageerada milatari ee RSF.
Dagaalka Suudaan, oo bilowday bishii Abriil 2023, ayaa dhaliyay mid ka mid ah xaaladaha bini’aadantinimo ee ugu xun adduunka.









