Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa saddex arrin ku dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud u maareynayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Dhaleeceynta ayaa timid xilli dib u dhac uu ku yimid shirkii wadatashiga qaran ee madaxweynaha ugu yeeray kooxaha mucaaradka, iyo xilli xiisad ka taagan tahay gobolka Hiiraan.
Arrinta koowaad ee uu Sanbaloolshe tilmaamay ayaa ah kala qeybinta bulshada.
“Xasan Sheekh isagaa dadka kala diray,” ayuu yiri Sanbaloolshe, isagoo sheegay in aysan jirin sabab madaxweynuhu hadda u kicinayo shacabka.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu dadka ku mashquulinayo dib u dhac siyaasadeed, halkii laga gaari lahaa natiijo muuqata.
Arrinta labaad ayaa la xiriirta diidmada tanaasulka.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in madaxweynuhu uusan dhageysan odayaasha Hiiraan, isla markaana uu door bidday inuu maamulka Hirshabeelle u dhiibo Cali Guudlaawe, halkii uu ka raadin lahaa xal laga wada heshiiyo.
Wuxuu sheegay in shacabka Hiiraan aysan u baahnayn inay sii adkeystaan xaaladdaas.
Arrinta saddexaad ayaa ah adeegsiga danaha siyaasadeed iyo kuwa shaqsiyeed.
Sanbaloolshe ayaa ku dooday in markii ay awoodda madaxweynuhu sii yaraanayso, uu isku dayayo inuu dadka ku soo jiito danaha siyaasadeed iyo abaalmarinno shaqsiyeed, taasoo uu sheegay inay sii dheereyneyso xiisadda.
Ilaa hadda lama hayo jawaab ay Madaxtooyada Soomaaliya ka bixisay dhaleeceynta Sanbaloolshe.
Xiisadda Hiiraan ayaa salka ku haysa doorashadii 24-kii Oktoobar ee Jowhar, taasoo Cali Guudlaawe dib loogu doortay madaxweynaha Hirshabeelle.
Qeybo ka mid ah bulshada Hiiraan ayaa diiday habka ay u dhacday doorashadaas, waxaana magaalada Beledweyne ka dhacay bannaanbaxyo.
Dhawaan, Guudlaawe ayaa odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay soo dhexgalaan, si khilaafka loogu xalliyo wadahadal.









