Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya, kadib dab ka kacay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla degmada Mohammadia ee duleedka magaalada Algiers, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 11 qof iyo dhaawaca 19 kale.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay murugada la wadaagayso dowladda, hoggaanka iyo shacabka Aljeeriya. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inay garab taagan tahay qoysaska iyo ehellada ay saameysay masiibadaasi.
Wasaaraddu waxay dhacdada ku tilmaantay musiibo murugo leh, iyadoo shacabka Aljeeriya u dirtay farriin tacsi iyo garab istaag xilligan adag. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale Alle SWT uga baridhay dadka ku dhintay inuu u naxariisto, dhaawacyadana uu siiyo caafimaad degdeg ah.
Dabka ayaa la sheegay inuu qarxay aroortii hore ee Khamiista, waxaana uu sababay khasaare naf iyo maalba leh. Kooxaha dab-damiska ayaa saacado badan ku hawlanaa daminta dabka iyo samatabbixinta dadka ku jiray xarunta.
Mas’uuliyiinta Aljeeriya ayaan weli shaacin aqoonsiga dhammaan dadka ku dhintay masiibada iyo sababta rasmiga ah ee dabka dhalisay, iyadoo baaritaanno ay weli socdaan. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli Aljeeriya ay wajahaysay heer-kul sare iyo kulayl daran oo saameeyay qaybo badan oo dalka ka mid ah.


















