Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in sagaal dal oo Afrikaan ah oo keliya ay u qalmaan barnaamijkeeda fiisaha elektaroonigga ah (eVisa) sannadka 2026, iyadoo Soomaaliya aysan ku jirin liiska dalalka loo oggol yahay inay adeeggaas isticmaalaan.
Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga, dalalka Afrika ee ka faa’iideysan kara nidaamkan ayaa kala ah Aljeeriya, Cape Verde, Masar, Equatorial Guinea, Liibiya, Mauritius, Namibia, Senegal iyo Koonfur Afrika. Muwaadiniinta dalalka kale ee Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaa looga baahan yahay inay fiisaha Turkiga ka codsadaan safaaradaha ama qunsuliyadaha dalkaas.
Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli Turkiga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir dhow oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, isagoo taageero ballaaran ka geysta dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Labada dal ayaa sidoo kale sannadihii u dambeeyay kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga difaaca, dhaqaalaha iyo tamarta, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ku tilmaantay kuwo xoojinaya xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac.
Ilaa hadda, dowladda Turkiga ma aysan shaacin sababta Soomaaliya iyo inta badan dalalka kale ee Afrika looga reebay barnaamijka fiisaha elektaroonigga ah. Sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee eVisa iyo warbixin ay baahisay The Point, muwaadiniinta dalalka aan ku jirin liiska waa inay maraan nidaamka caadiga ah ee codsashada fiisaha iyagoo adeegsanaya safaaradaha ama qunsuliyadaha Turkiga.
Go’aankan ma beddelayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, balse wuxuu ka dhigan yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan inay fiisaha ku codsadaan habraaca caadiga ah marka ay doonayaan inay u safraan dalka Turkiga.


















