• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Masar oo digniin culus u dirtay Somaliland kadib qorshaha magaalada Qudus

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Masar oo digniin culus u dirtay Somaliland kadib qorshaha magaalada Qudus
Share

Wararka24: Dowladda Masar ayaa si adag uga hortimid qorshaha Somaliland ee ah inay safaarad ka furato magaalada Qudus, iyadoo arrintaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo ka hor imaanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Qaahira ay si cad u diidan tahay tallaabo kasta oo lagu taageerayo ama lagu sharciyeynayo xaaladda muranka badan ee magaalada Qudus.

Masar ayaa carrabka ku adkeysay in Bariga Qudus uu yahay dhul Falastiini ah oo la haysto tan iyo sanadkii 1967, islamarkaana aan la aqbali karin wax tallaabo ah oo wax ka beddeleysa xaaladda siyaasadeed iyo sharci ee magaaladaasi.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Masar ay taageersan tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Masar ayaa ka digtay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo saameyn ku yeelan karta qarannimada Soomaaliya.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii kordhayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso xiriir diblomaasiyadeed oo dhow oo ay la yeelato Israel, kadib markii Israa’iil ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland.

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa sidoo kale horey u cambaareeyay qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus, iyagoo sheegay inuu ka hor imaanayo mowqifka mideysan ee dunida Islaamka ee ku saabsan magaalada barakeysan ee Qudus iyo qadiyadda Falastiin.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa qorsheyneysa inay safaarad ka furato magaalada Hargeysa, sida uu shaaciyay safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil, Maxamed Xaaji. Arrintan ayaa sii xoojisay doodda iyo falcelinta siyaasadeed ee ka dhalatay xiriirka cusub ee u dhexeeya Somaliland iyo Israel.

Go’aanka la xiriira Qudus ayaa haatan Somaliland geliyay muran siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo ballaaran, iyadoo dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah ay muujinayaan walaac xooggan oo ku saabsan tallaabadaasi.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.