Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul uga falcelisay qorshaha ay Somaliland ku dooneyso inay safaarad uga furato magaalada Qudus, taas oo ay Falastiiniyiintu u aqoonsan yihiin caasimaddooda mustaqbalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 21, 2026, 10:10 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus
Share

Wararka24: Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si kulul uga falcelisay qorshaha ay Somaliland ku dooneyso inay safaarad uga furato magaalada Qudus, taas oo ay Falastiiniyiintu u aqoonsan yihiin caasimaddooda mustaqbalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay ka hor imaaneyso shuruucda caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee khuseeya xaaladda magaalada Qudus, islamarkaana ay tahay arrin sharci darro ah.

Ururka ayaa sidoo kale sheegay in qorshahaasi uu dhaawac ku yahay dadaallada lagu taageerayo shacabka reer Falastiin iyo xuquuqdooda siyaasadeed, maadaama magaalada Qudus ay kamid tahay arrimaha ugu xasaasisan khilaafka u dhexeeya Falastiin iyo Israa’iil.

“Go’aanka maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya uu ku doonayo inuu safaarad uga furto Qudus wuxuu xoojinayaa sheegashada Israa’iil ee dhulka Falastiin. Marna ma aqbali doonno tallaabo kasta oo ka hor imaaneysa midnimada iyo madax-bannaanida Falastiin,” ayaa lagu yiri bayaanka OIC.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sidoo kale caddeeyay inuu taageersan yahay midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabo kasta oo dhaawaceysa madax-bannaanida Soomaaliya ama dhiirrigelin karta gooni isu-taag.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in Somaliland ay qorsheyneyso xiriir diblomaasiyadeed oo dhow oo ay la yeelato Israel, kadib markii Israa’iil ay si rasmi ah u sheegtay inay aqoonsatay Somaliland.

Dhanka kale, Safiirka cusub ee Somaliland u qaabilsan Israa’iil, Maxamed Xaaji, ayaa horey u sheegay in Somaliland ay safaarad ka furan doonto magaalada Qudus, halka Israa’iil ay iyaduna safaarad ka furan doonto magaalada Hargeysa.

Tallaabooyinkan ayaa dhaliyay falcelin xooggan oo ka timid dalal iyo ururro Islaami ah, kuwaas oo u arka arrintan mid khatar ku ah mowqifka Islaamka ee ku aaddan magaalada barakeysan ee Qudus iyo qadiyadda Falastiin.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.