Wararka24: Sarkaal sare oo hore uga tirsanaa sirdoonka militariga Israa’iil Tamir Hayman ayaa sheegay in mashruuca nukliyeerka Iiraan uu weli shaqeynayo, inkastoo Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarro culus ku qaadeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalkaas.
Tamir Hayman, oo hadda hoggaamiya Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Israa’iil, ayaa sheegay in dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhacay bishii June 2025 uu gaaray guulo militari iyo kuwo xeeladeed, balse aanu si buuxda u burburin awoodaha nukliyeerka Tehran. Wuxuu tilmaamay in Iiraan ay si degdeg ah dib ugu soo kabaneyso.
Sarkaalkaasi ayaa xusay in xarunta Fordow dib loo howlgeliyay, halka sidoo kale la dhisayo xarun cusub oo dhulka hoostiisa ku taalla oo lagu magacaabo “Pickaxe Mountain”, taas oo la sheegay inay ka difaac badan tahay weerarrada cirka. Xarunta cusub ayaa la sheegay inay ku dhowdahay goobta nukliyeerka Natanz.
Hayman ayaa sheegay in Iiraan ay weli awood u leedahay soo saarista gantaallada ballistic-ga, isagoo tilmaamay in Tehran ay bishii soo saarto ku dhowaad 125 gantaal. Wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay sii waddo taageerada ay siiso ururka Hezbollah, gaar ahaan dib-u-dhiska awoodiisa kadib dagaalladii gobolka.
Warbixin uu daabacay wargeyska The New York Times ayaa iyaduna sheegtay in sirdoonka Mareykanka uu qiimeeyay in Iiraan ay dib u heshay inta badan xarumaheedii gantaallada iyo marinadii dhulka hoostiisa ahaa. Qiimeyntaasi ayaa ka duwan hadallada maamulka Donald Trump oo sheegay in awoodaha militari ee Iiraan si weyn loo burburiyay.
Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaantay in Iiraan ay weli awood u leedahay inay khatar geliso maraakiibta caalamiga ah ee mara Marinka Hormuz, kadib markii ay dib u heshay inta badan goobihii gantaallada ee ku yaallay halkaasi. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan amniga gobolka Bariga Dhexe iyo suuqyada tamarta caalamka.
Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa si adag uga jawaabay warbixinnadaasi, isaga oo sheegay in Iiraan si weyn loo wiiqay, isla markaana aysan dib u dhisan karin awoodihii hore. Hase yeeshee, hadallada kasoo baxay saraakiishii hore ee sirdoonka Israa’iil ayaa muujinaya in wali ay taagan tahay cabsi ku saabsan awoodaha nukliyeerka Tehran.


















