• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Trump oo hakiyay howlgalkii cusbaa ee marinka Hormuz kadib…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Trump oo hakiyay howlgalkii cusbaa ee marinka Hormuz kadib…
Share

Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si ku meel gaar ah u hakiyay howlgal militari oo lagu ilalinayey maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, kadib hal maalin oo kaliya ay howl galeen.

Go’aankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran iyo awooda Iran ee sii kordheysa

Howlgalka oo Aqalka Cad ugu magac daray Project Freedom ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga maraakiibta isticmaasha marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah dhoofinta shidaalka caalamka. Trump ayaa sheegay in hakinta howlgalka ay timid kadib codsiyo uga yimid dalalka dhexdhexaadinta ka wada dagaalka, kuwaas oo uu ku sheegay inay wadaan dadaallo heshiis lagu gaari karo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in inkastoo howlgalka la hakiyay, haddana cunaqabateynta saaran Iran ay weli sii socon doonto. Wuxuu tilmaamay in cadaadiska dhaqaale uu qeyb ka yahay qorshaha Washington ee lagu doonayo in Tehran lagu qanciyo heshiis siyaasadeed oo dhameystiran.

Xiisadda gobolka ayaa sii xoogeysatay kadib weerarro isdaba joog ah oo ka dhacay Marinka Hormuz, halkaas oo maraakiib iyo goobo istiraatiiji ah lagu beegsaday. Mareykanka ayaa Iran ku eedeeyay inay ka dambeysay weerarradaas, halka Tehran aysan si rasmi ah uga hadlin eedeymahaasi.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in wajigii hore ee howlgalka militari ee ka dhanka ahaa Iran uu soo dhammaaday, balse difaaca danaha Mareykanka uu sii socon doono. Hakinta howlgalka ayaa loo arkaa tallaabo muujinaysa in Mareykanku doonayo inuu siiyo fursad dheeraad ah wada-hadallada siyaasadeed, iyadoo xiisadda gobolka weli taagan tahay.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.