• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

NISA Oo Howlgal Ka Fulisay Hiiraan Kuna Beegsatay horjoogayaasha Al-Shabaab

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
NISA Oo Howlgal Ka Fulisay Hiiraan Kuna Beegsatay horjoogayaasha Al-Shabaab
Share

Wararka24: Hay’adda Nabad sugidda ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo maanta ay si wadajir ah ula fuliyeen saaxiibada caalamiga ah qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal sare oo kooxda ka tirsan. Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus xubno muhiim ah oo kooxda ka howlgalayay gobollada dhexe.

NISA ayaa sheegtay in dadka dhaawacyada halista ah lagu gaarsiiyay ay kamid yihiin Cali Xuseen oo lagu sheegay horjoogaha maleeshiyaadka fulin jiray weerarrada gobollada dhexe, Mowliid Jiis oo lagu tilmaamay wakiilka kooxda ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo isna lagu sheegay wakiilka kooxda ee degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in howlgallo kale oo xigay lagu burburiyay goobo ay kooxda ku abaabuleysay maleeshiyaad cusub. Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in ilaa shan gaari lagu gubay howlgalkaasi, kuwaas oo saddex kamid ah ay ahaayeen gaadiidka dagaalka ee nooca BG loo yaqaano.

Mid kamid ah gaadiidka la burburiyay ayaa la sheegay inuu ku xirnaa qoriga lidka diyaaradaha. NISA ayaa xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab iyo ka hortagga weerarro ay qorsheynayeen.

Hay’adda Nabad-sugidda ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, si loo xoojiyo amniga iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan deegaannada ay kooxahaasi weli dhaq-dhaqaaqa ku leeyihiin.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ay sare u qaadeen weerarrada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka qaarkood.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.