Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

NISA Oo Howlgal Ka Fulisay Hiiraan Kuna Beegsatay horjoogayaasha Al-Shabaab

Hay’adda Nabad sugidda ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo maanta ay si wadajir ah ula fuliyeen saaxiibada caalamiga ah qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 16, 2026, 3:20 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
NISA Oo Howlgal Ka Fulisay Hiiraan Kuna Beegsatay horjoogayaasha Al-Shabaab
Share

Wararka24: Hay’adda Nabad sugidda ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo maanta ay si wadajir ah ula fuliyeen saaxiibada caalamiga ah qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday xubno iyo horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Buq-aqable, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal sare oo kooxda ka tirsan. Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus xubno muhiim ah oo kooxda ka howlgalayay gobollada dhexe.

NISA ayaa sheegtay in dadka dhaawacyada halista ah lagu gaarsiiyay ay kamid yihiin Cali Xuseen oo lagu sheegay horjoogaha maleeshiyaadka fulin jiray weerarrada gobollada dhexe, Mowliid Jiis oo lagu tilmaamay wakiilka kooxda ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo isna lagu sheegay wakiilka kooxda ee degmada Jalalaqsi.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in howlgallo kale oo xigay lagu burburiyay goobo ay kooxda ku abaabuleysay maleeshiyaad cusub. Qoraalka NISA ayaa lagu sheegay in ilaa shan gaari lagu gubay howlgalkaasi, kuwaas oo saddex kamid ah ay ahaayeen gaadiidka dagaalka ee nooca BG loo yaqaano.

Mid kamid ah gaadiidka la burburiyay ayaa la sheegay inuu ku xirnaa qoriga lidka diyaaradaha. NISA ayaa xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab iyo ka hortagga weerarro ay qorsheynayeen.

Hay’adda Nabad-sugidda ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, si loo xoojiyo amniga iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan deegaannada ay kooxahaasi weli dhaq-dhaqaaqa ku leeyihiin.

Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ay sare u qaadeen weerarrada iyo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka qaarkood.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

24 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.