• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya oo beenisay wararka ku saabsan safiirka Imaaraadka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Soomaaliya oo beenisay wararka ku saabsan safiirka Imaaraadka
Share

Wararka24: Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay wararka sheegaya in dowladda ay qorsheyneyso inay dalka ka erido safiirka Imaaraadka Carabta ee ku sugan Muqdisho, iyadoo sheegtay in wararkaasi yihiin kuwo aan wax sal ah lahayn.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda oo ku taariikheysan 5-da May 2026 ayaa lagu sheegay in xogaha lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada ay yihiin kuwo khaldan, isla markaana wax u dhimi kara xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday warbaahinta iyo bulshada isticmaasha baraha bulshada inay muujiyaan mas’uuliyad dheeraad ah, hubiyaanna saxnaanta xogaha ay faafinayaan, si looga fogaado marin-habaabinta iyo dhaawaca sumcadda xiriirrada diblomaasiyadeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in faafinta wararka aan la xaqiijin ay keeni karto jahwareer siyaasadeed iyo saameyn aan loo baahnayn oo ku timaadda xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carabta, gaar ahaan Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay bishii Janaayo u joojisay heshiisyo dhowr ah oo ay la lahayd Imaaraadka, kuwaas oo quseeyay dekedaha, amniga iyo difaaca, kadib markii xukuumaddu sheegtay inay heshay xog la xiriirta falal wax u dhimaya madaxbannaanida dalka.

Si kastaba, dowladda ayaa markaas caddeysay in tallaabooyinkaasi aysan ka dhignayn goynta xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana labada dal ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta iyo howlaha safaaradeed ee caadiga ah.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.