• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay dalka Serbia

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
1 week ago
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shir ka dhacay dalka Serbia
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo ah 1-da Sebtember 2026 magaalada Belgrade ee dalka Serbia kaga qeyb galay shir heerka sare ah ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn (NAM), oo lagu xusayo 65-guurada shirkii ugu horreeyay ee dhaqdhaqaaqa oo magaaladaas lagu qabtay 1961-kii.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku soo bandhigay caqabadaha amniga, kuwa siyaasadeed iyo caqabadaha dhaqaale ee dunidu wajahayso. isagoo sheegay in xaaladaha sii kordhaya ay u baahan yihiin iskaashi iyo dadaal wadajir ah oo heer caalami ah. Wuxuu si gaar ah u xusay colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi-siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in caqabadahaas aan si gooni-gooni ah loogu xallin karin, balse ay muhiim tahay in dowladuhu xoojiyaan wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada. Hadalkiisa ayaa diiradda saaray baahida loo qabo in la helo xalal ku dhisan iskaashi caalami ah.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo horumarinta dalka. Wuxuu sheegay in taageerada bahwadaagta caalamiga ah ay muhiim u tahay dadaallada Soomaaliya ee dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta.

Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, isagoo tilmaamay in iskaashiga caalamiga ah uu door muhiim ah ka qaadanayo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadi’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dowladaha, caddaaladda iyo sinnaanta. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo hab nabadeed.

Shirka Belgrade ayaa isu keenaya madax iyo wakiillo ka socda dalalka ku jira Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, iyadoo kulanka sanadkan lagu xusayo 65 sano guuradii shirkii aasaaska dhaqdhaqaaqa ee 1961-kii. Soomaaliya ayaa shirka uga qeybgalaysa heer madaxweyne, waxaana Xasan Sheekh uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliya.

Inta uu ku sugan yahay Serbia, Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga labada dal.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.