Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah iyo cadeymo

Wargeyska Mareykanka ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab ay tan iyo 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya, kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca howlgalada…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 2, 2026, 12:45 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab oo yeeshay iskaashi qarsoodi ah iyo cadeymo
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Wargeyska Mareykanka ee Wall Street Journal ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab ay tan iyo 2023 yeesheen iskaashi qarsoodi ah oo sii xoogeysanaya, kaas oo la sheegay inuu ku saabsan yahay hub, tababar iyo isku-duwid dhinaca howlgalada ah.

Sida uu qoray wargeysku, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay Xuutiyiinta ka heshay hub casri ah iyo tababar la xiriira diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo walxaha qarxa. Xiriirka labada dhinac ayaa lagu sheegay inuu ka gudbay xiriir xaddidan, iyadoo la sameeyay wada-shaqeyn dhinacyo badan taabanaysa.

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay raadinayeen taageero farsamo oo u sahli karta inay rakibaan raadaarro lagu la socdo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee biyaha u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya. Arrintan ayaa sare u qaadi karta awoodda kooxda ee la socodka maraakiibta maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Wall Street Journal ayaa sidoo kale sheegay in Jibriil Yaxye Cali, oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee Al-Shabaab, uu door muhiim ah ku lahaa dhismaha xiriirka labada dhinac. Wargeysku wuxuu sheegay in Jibriil uu si qarsoodi ah ugu kala safri jiray Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana uu heli jiray fududeymo ay ka mid yihiin guri iyo baasaboor Yemen ah oo been abuur ah.

Jibriil ayaa lagu dilay duqeyn Mareykan ah bishii Febraayo ee sanadkan, sida uu sheegay wargeysku. Dhimashadiisa ayaa timid xilli xiriirka u dhexeeya labada kooxood uu ahaa mid ay hay’adaha amniga si dhow ula socdeen.

Sida wargeysku qoray, Al-Shabaab ayaa sannadkii 2024 u dirtay Xuutiyiinta wakiil lagu magacaabo Axmed Cilmi Samatar. Wakiilka ayaa la sheegay inuu gudbiyay liis ay ku jireen hub iyo qalab milatari oo ay kooxdu doonaysay, oo ay ka mid ahaayeen gantaallo lidka diyaaradaha, gantaallada Katyusha, qoryaha toogashada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka.

Liiskaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu ka koobnaa qalabka aragga habeenkii iyo agab kale oo milatari. Wargeysku wuxuu sheegay in xogtan ay muujinayso in labada dhinac ay raadinayeen sidii loo xoojin lahaa awooddooda militari iyo farsamo.

Wall Street Journal ayaa intaas ku dartay in shabakado tahriibin ah ay adeegsanayaan shirkado magac-u-yaal ah iyo dekedo ku yaalla Yemen si hubka looga gudbiyo Gacanka Cadmeed loona gaarsiiyo deegaanno xeebeedyo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya. Hubka ayaa la sheegay in markii dambe loo gudbinayo cutubyo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan koonfurta Soomaaliya.

Saraakiil Mareykan ah oo uu soo xigtay wargeysku ayaa aaminsan in iskaashiga labada kooxood uu siin karo awood dheeraad ah oo ay ku ballaariyaan saameyntooda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Saraakiisha ayaa sidoo kale ka digay in xiriirkaasi uu khatar ku keeni karo amniga maraakiibta iyo isu-socodka tamarta ee suuqyada caalamka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

10 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

11 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.