Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa gaaray is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan dhismaha hannaan doorasho oo ay labada dhinac ka wada shaqeeyaan, iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo guddi farsamo oo diyaariya qaabka doorashada.
Soo jeedinta ayaa la sheegay in lala wadaagay beesha caalamka, waxaana qorshuhu yahay in guddiga farsamadu uu marka hore isku keeno aragtiyada kala duwan ee dhinacyada siyaasadda, ka hor inta aysan madaxda dowladda iyo hoggaanka mucaaradku yeelan kulan rasmi ah oo lagu raadinayo heshiis siyaasadeed.
Is-afgaradka ayaa salka ku haya in la mideeyo soo jeedimihii kala duwanaa ee ay horay u soo bandhigeen Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol iyo Golaha Midnimada Qaran. Dhinacyadan ayaa muddooyinkii dambe ku kala aragti duwanaa qaabka loo wajahayo doorashada iyo isbeddellada siyaasadeed ee dalka.
Guddiga farsamada ee la qorsheynayo ayaa laga sugayaa inuu diyaariyo hannaan doorasho oo ku dhisan mabda’a qof iyo cod, nidaam xisbiyo badan leh iyo hal guddi qaran oo doorasho. Sidoo kale, qorshaha waxaa lagu xusay in la tixgeliyo nidaamka awood-qaybsiga 4.5 inta lagu guda jiro wada-hadallada.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in la gaaro heshiis doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda, iyadoo la ilaalinayo midnimada dalka iyo mabaadi’da guud ee dowladnimada. Dowladda ayaa horay ugu adkeysatay in doorashada qof iyo cod ay tahay jihada ay rabto in dalka loo qaado.
Mas’uul sare oo dowladda ka tirsan, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in dowladda aysan ka tanaasuleyn mabaadi’da ay ku saleysan tahay doorashada qof iyo codka, nidaamka xisbiyada iyo hal guddiga qaran ee doorashooyinka. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay ka wada hadasho arrimaha farsamada, oo ay ku jiraan muddada iyo qaab-dhismeedka guddiga.
Mas’uulka ayaa sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in wax laga beddelo qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka, kadib markii mucaaradku ay su’aalo ka keeneen kalsoonida iyo hannaanka loo maray magacaabista xubnaha guddiga.
Dadaalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan kulamo iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Turkiga ayaa kaalin firfircoon ka qaatay fududeynta wada-hadallada, iyadoo sidoo kale ay beesha caalamku ku boorrisay dhinacyada Soomaalida inay gaaraan hannaan doorasho oo loo dhan yahay.
Is-afgaradka hordhaca ah ayaa weli u baahan in loo beddelo heshiis siyaasadeed oo rasmi ah, iyadoo faahfaahinta guddiga farsamada iyo qaabka ugu dambeeya ee doorashada ay ka mid yihiin arrimaha la filayo in laga wada hadlo.







