Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xog: DF iyo Mucaaradka oo Is-afgarad Ka Gaaray Hannaanka Doorashada

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa gaaray is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan dhismaha hannaan doorasho oo ay labada dhinac ka wada shaqeeyaan, iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo guddi farsamo oo diyaariya qaabka doorashada.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 1, 2026, 4:15 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xog: DF iyo Mucaaradka oo Is-afgarad Ka Gaaray Hannaanka Doorashada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka ayaa gaaray is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan dhismaha hannaan doorasho oo ay labada dhinac ka wada shaqeeyaan, iyadoo la qorsheynayo in la sameeyo guddi farsamo oo diyaariya qaabka doorashada.

Soo jeedinta ayaa la sheegay in lala wadaagay beesha caalamka, waxaana qorshuhu yahay in guddiga farsamadu uu marka hore isku keeno aragtiyada kala duwan ee dhinacyada siyaasadda, ka hor inta aysan madaxda dowladda iyo hoggaanka mucaaradku yeelan kulan rasmi ah oo lagu raadinayo heshiis siyaasadeed.

Is-afgaradka ayaa salka ku haya in la mideeyo soo jeedimihii kala duwanaa ee ay horay u soo bandhigeen Dowladda Federaalka, Golaha Mustaqbalka, Nabad iyo Nolol iyo Golaha Midnimada Qaran. Dhinacyadan ayaa muddooyinkii dambe ku kala aragti duwanaa qaabka loo wajahayo doorashada iyo isbeddellada siyaasadeed ee dalka.

Guddiga farsamada ee la qorsheynayo ayaa laga sugayaa inuu diyaariyo hannaan doorasho oo ku dhisan mabda’a qof iyo cod, nidaam xisbiyo badan leh iyo hal guddi qaran oo doorasho. Sidoo kale, qorshaha waxaa lagu xusay in la tixgeliyo nidaamka awood-qaybsiga 4.5 inta lagu guda jiro wada-hadallada.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in la gaaro heshiis doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda, iyadoo la ilaalinayo midnimada dalka iyo mabaadi’da guud ee dowladnimada. Dowladda ayaa horay ugu adkeysatay in doorashada qof iyo cod ay tahay jihada ay rabto in dalka loo qaado.

Mas’uul sare oo dowladda ka tirsan, oo aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in dowladda aysan ka tanaasuleyn mabaadi’da ay ku saleysan tahay doorashada qof iyo codka, nidaamka xisbiyada iyo hal guddiga qaran ee doorashooyinka. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay inay ka wada hadasho arrimaha farsamada, oo ay ku jiraan muddada iyo qaab-dhismeedka guddiga.

Mas’uulka ayaa sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in wax laga beddelo qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashooyinka qaranka, kadib markii mucaaradku ay su’aalo ka keeneen kalsoonida iyo hannaanka loo maray magacaabista xubnaha guddiga.

Dadaalladan ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan kulamo iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Turkiga ayaa kaalin firfircoon ka qaatay fududeynta wada-hadallada, iyadoo sidoo kale ay beesha caalamku ku boorrisay dhinacyada Soomaalida inay gaaraan hannaan doorasho oo loo dhan yahay.

Is-afgaradka hordhaca ah ayaa weli u baahan in loo beddelo heshiis siyaasadeed oo rasmi ah, iyadoo faahfaahinta guddiga farsamada iyo qaabka ugu dambeeya ee doorashada ay ka mid yihiin arrimaha la filayo in laga wada hadlo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

11 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

11 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.