Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Howlgallo NISA ka fulisay Hiiraan iyo Mudug oo lagu dilay 22 ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 14, 2026, 8:42 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Howlgallo NISA ka fulisay Hiiraan iyo Mudug oo lagu dilay 22 ka tirsan Al-Shabaab
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgal ka dhacay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug ayaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, oo ay ku jireen horjoogeyaal kala duwan. Saraakiisha la dilay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka abaabula weerarro iyo falal lid ku ah amniga shacabka.

NISA ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda, iyadoo lagu burburiyay qorshayaal ay diyaarinayeen.

Sidoo kale howlgal kale oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda, waxaana lagu dilay toddobo qof oo ay ku jireen laba horjooge oo la sheegay inay ku lug lahaayeen maaliyadda kooxda.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab, iyadoo xustay in la sii wadi doono howlgallada lagu baacsanayo haraadiga kooxda ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

3 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

4 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

4 hours ago
Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya

4 hours ago
QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

QM oo ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiye Baashe

10 hours ago
Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

Kanada oo billowday barnaamij degenaansho eey siinayso kumanaan muhaajiriin

11 hours ago
Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

Muqdisho oo markii ugu horreysay martigelisay

11 hours ago
Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

Ilhan Cumar oo doonaysa inay dib ugu laabato guddiga arrimaha dibadda ee Koongaraska

11 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.