Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DF oo beenisay qorshe la sheegay in Turkiga kadamacsan yahay arrinta Somaliland

27-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegayay in xoojinta taageerada milateri ee Turkiga iyo qalab milateri oo cusub oo la keenay Muqdisho ay la xiriiraan aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 27, 2026, 10:08 am EAT
Reading Time: 2 mins read
DF oo beenisay qorshe la sheegay in Turkiga kadamacsan yahay arrinta Somaliland
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 27-02-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar sheegayay in xoojinta taageerada milateri ee Turkiga iyo qalab milateri oo cusub oo la keenay Muqdisho ay la xiriiraan aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland.

Dowladda ayaa sheegtay in iskaashiga milateri ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara uu yahay mid horey u jiray oo aan ku xirneyn xaaladaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay.

Wasiirka Warfaafinta, Daa’uud Aweys, oo ka hadlayay madal lagu qabtay Ankara ayaa sheegay in wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Turkiga ay salka ku hayso heshiisyo hore oo la xiriira la-dagaalanka Al-Shabaab iyo dhismaha awoodda ciidamada qalabka sida.

Sida uu u sheegay wargeyska Cumhuriyet, waxa hadda socda ay yihiin fulinta heshiisyo hore, isagoo diiday in dhaq-dhaqaaqa Turkiga loo fasirto falcelin ku wajahan arrinta Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, uu si cad u muujiyay taageerada uu u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xilli uu booqasho ku tegay Itoobiya.

Xiriirka labada dal ayaa soo bilowday 2011-kii, markaas oo Turkigu bilaabay mashaariic horumarineed iyo mid milateri, waxaana 2017-kii la furay saldhigga tababarka ciidamada ee TURKSOM ee Muqdisho.

Dhanka kale, aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland bishii Diseembar 2025 ayaa sababay falcelin diblomaasiyadeed oo ballaaran. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay taageero ka timid dalal iyo ururro caalami ah oo diiday tallaabadaas, iyagoo ku adkeystay ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991-kii, balse weli ma helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran. Dowladda Federaalka ayaa mar kale ku celisay mowqifkeeda ah in arrintaasi ay tahay mid khuseysa wadajirka dalka, iyadoo ku baaqday in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal iyo hannaan sharci ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

19 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

19 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

20 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

20 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.