Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa 30-ka Sebtember 2026 u asteeyey in Galmudug iyo HirShabeelle ay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, kadib go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka.
Galmudug waxaa loo qorsheeyey doorasho ku-celis ah kadib markii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay 24-kii Agoosto 2026 laashay natiijadii doorashadii isku-sidkanayd ee 30-kii Luulyo ka dhacday maamulkaas. Maxkamaddu waxay sheegtay in doorashada aan loo maamulin si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, waxayna Guddiga doorashooyinka ku amartay in doorasho cusub lagu qabto hab waafaqsan sharciga.
Sida ku cad jadwalka cusub, 10-ka Sebtember ayaa la asteyn doonaa lana shaacin doonaa xarumaha iyo goobaha codbixinta ee Galmudug. 20-ka Sebtember waxaa la shaacin doonaa liiska musharraxiinta ururrada siyaasadda, halka 22-ka Sebtember ururradu soo gudbin doonaan liiska wakiilladooda goobaha codbixinta.
26-ka Sebtember ayaa loo asteeyey aqoonsiga wakiillada ururrada siyaasadda iyo korjoogtada doorashada. Ololaha doorashada ayaa xirmaya 28-ka Sebtember, halka 30-ka Sebtember la qaban doono codbixinta ku-celiska ah.
Guddiga doorashooyinka ayaa 25-kii Agoosto sheegay inay aqbaleen go’aanka Maxkamadda Sare, isla markaana ay fulinayaan xukunka ku saabsan dib-u-qabashada doorashada Galmudug. Guddigu wuxuu sheegay in hannaanka cusub lagu maamuli doono iyadoo la tixgelinayo Dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka.
Dhanka HirShabeelle, Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale 30-ka Sebtember u asteeyey doorashada Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. Doorashadan ayaa markii hore loo qorsheeyey 20-kii Agoosto, balse dib ayaa loo dhigay, waxaana guddigu sheegay inuu soo saari doono jadwal cusub.
Jadwalka cusub ee HirShabeelle wuxuu dhigaya in 2-da Sebtember la shaaciyo liiska hordhaca ah ee diiwaanka codbixiyeyaasha, halka 15-ka Sebtember la asteyn doono lana shaacin doono xarumaha iyo goobaha codbixinta. 16-ka Sebtember waxaa la qorsheeyey diiwaangelinta iyo qaybinta kaararka codbixiyeyaasha.
17-ka Sebtember ayaa la soo gudbin doonaa lana xaqiijin doonaa liiska musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka. 19-ka Sebtember waxaa la shaacin doonaa liiska kama dambaysta ah ee codbixiyeyaasha, halka 22-ka Sebtember la shaacin doono liiska musharraxiinta ururrada siyaasadda.
Ururrada siyaasadda ayaa 24-ka Sebtember soo gudbin doona wakiilladooda goobaha codbixinta, iyadoo 26-ka Sebtember la siin doono aqoonsi wakiillada iyo korjoogtada. Ololaha doorashada ayaa xirmaya 28-ka Sebtember, waxaana labada maamul ay codbixinta geli doonaan 30-ka Sebtember.








