Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddiga Doorashooyinka oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Galmudug

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee lagu laalay natiijooyinkii doorashooyinka isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 26, 2026, 1:04 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Guddiga Doorashooyinka oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Galmudug
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee lagu laalay natiijooyinkii doorashooyinka isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug.

Maxkamadda Sare ayaa 24-kii Agoosto ku dhawaaqday in doorashooyinkii Galmudug ee 30-kii Luulyo aan loo maamulin si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna ay natiijooyinkii kasoo baxay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in khaladaadkii dhacay intii ay doorashadu socotay ay saameyn ku yeesheen hufnaanta iyo sharciyadda doorashada.

Maxkamaddu waxay Guddiga Doorashooyinka ku amartay inuu dib u qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, iyadoo lagu qabanayo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah qabashada doorashada ku celiska ah.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu dib ka shaacin doono jadwalka iyo xilliga rasmiga ah ee doorashada cusub, si loo saxo khaladaadkii hore ee ay cabashooyinka ka keeneen qaar ka mid ah ururradii siyaasadeed ee ka qeyb galay doorashada.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa saameyn weyn ku yeeshay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, iyadoo uu kusoo aaday xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Waxaa hadda la sugayaa jadwalka cusub ee Guddiga Doorashooyinka iyo sida ay dhinacyada siyaasadeed ee Galmudug uga falcelin doonaan doorashada dib loogu laabayo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

3 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.