• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Guddiga Doorashooyinka oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Galmudug

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 weeks ago
Reading Time: 2 mins read
Guddiga Doorashooyinka oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Galmudug
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ee lagu laalay natiijooyinkii doorashooyinka isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug.

Maxkamadda Sare ayaa 24-kii Agoosto ku dhawaaqday in doorashooyinkii Galmudug ee 30-kii Luulyo aan loo maamulin si waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka, sidaas darteedna ay natiijooyinkii kasoo baxay yihiin kuwo aan sax ahayn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in khaladaadkii dhacay intii ay doorashadu socotay ay saameyn ku yeesheen hufnaanta iyo sharciyadda doorashada.

Maxkamaddu waxay Guddiga Doorashooyinka ku amartay inuu dib u qabto doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, iyadoo lagu qabanayo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inuu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah qabashada doorashada ku celiska ah.

Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay inuu dib ka shaacin doono jadwalka iyo xilliga rasmiga ah ee doorashada cusub, si loo saxo khaladaadkii hore ee ay cabashooyinka ka keeneen qaar ka mid ah ururradii siyaasadeed ee ka qeyb galay doorashada.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa saameyn weyn ku yeeshay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, iyadoo uu kusoo aaday xilli dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

Waxaa hadda la sugayaa jadwalka cusub ee Guddiga Doorashooyinka iyo sida ay dhinacyada siyaasadeed ee Galmudug uga falcelin doonaan doorashada dib loogu laabayo.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.