Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay barnaamijkii taageerada ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS) uu ka siinayay dalka dhinacyada garsoorka iyo adeegyada xabsiyada.
Munaasabad lagu soo xirayay taageerada UNTMIS ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay iyo hay’adaha garsoorka iyo asluubta.
Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta caalamiga ah taageeradii ay Soomaaliya ka siiyeen horumarinta hay’adaha garsoorka iyo adeegyada xabsiyada, tababarrada iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga.
Wasiirku wuxuu sheegay in soo gabagabeynta taageerada UNTMIS ay tahay tallaabo muhiim ah oo dowladda iyo hay’adaha qaranka u sahleysa inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda horumarinta nidaamka cadaaladda.
Wuxuu xusay in aqoonta, khibradda iyo awoodda hay’adaha Soomaaliyeed ee la dhisay muddadii UNTMIS ay taageerada bixinaysay ay noqon doonaan saldhig muhiim u ah sii horumarinta garsoorka iyo adeegyada xabsiyada.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha cadaaladda iyo asluubta, iyadoo xoogga la saarayo in hay’adaha qaranku si buuxda ula wareegaan adeegyadaas.
Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo horumar joogto ah oo laga sameeyo nidaamka cadaaladda iyo adeegyada xabsiyada.







