Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Soomaaliya oo soo gabagabeysay taageeradii UNTMIS ee garsoorka iyo xabsiyada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay barnaamijkii taageerada ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS) uu ka siinayay dalka dhinacyada garsoorka iyo adeegyada xabsiyada.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 25, 2026, 1:54 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya oo soo gabagabeysay taageeradii UNTMIS ee garsoorka iyo xabsiyada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay barnaamijkii taageerada ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee KMG ah ee Soomaaliya (UNTMIS) uu ka siinayay dalka dhinacyada garsoorka iyo adeegyada xabsiyada.

Munaasabad lagu soo xirayay taageerada UNTMIS ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay iyo hay’adaha garsoorka iyo asluubta.

Wasiir Xasan Macallin ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iyo bahwadaagta caalamiga ah taageeradii ay Soomaaliya ka siiyeen horumarinta hay’adaha garsoorka iyo adeegyada xabsiyada, tababarrada iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga.

Wasiirku wuxuu sheegay in soo gabagabeynta taageerada UNTMIS ay tahay tallaabo muhiim ah oo dowladda iyo hay’adaha qaranka u sahleysa inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda horumarinta nidaamka cadaaladda.

Wuxuu xusay in aqoonta, khibradda iyo awoodda hay’adaha Soomaaliyeed ee la dhisay muddadii UNTMIS ay taageerada bixinaysay ay noqon doonaan saldhig muhiim u ah sii horumarinta garsoorka iyo adeegyada xabsiyada.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha cadaaladda iyo asluubta, iyadoo xoogga la saarayo in hay’adaha qaranku si buuxda ula wareegaan adeegyadaas.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga dowladda Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo horumar joogto ah oo laga sameeyo nidaamka cadaaladda iyo adeegyada xabsiyada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

Macawiisleyda oo la wareegtay qaybo ka mid ah xerada Lama-galay ee Beledweyne

3 hours ago
Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

1 day ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

1 day ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

2 days ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

2 days ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

2 days ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 days ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.