Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Aadan Madoobe oo amray howl-gall ka dhan ah ciidamada taabacsan Lafta-gareen iyo Al-Shabaab

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe, ayaa soo gabagabeeyay kulamo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo faray in la qaado tallaabooyin amni oo lagu sugayo magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 24, 2026, 6:21 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Aadan Madoobe oo amray howl-gall ka dhan ah ciidamada taabacsan Lafta-gareen iyo Al-Shabaab
Share

Wararka24: Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe, ayaa soo gabagabeeyay kulamo uu la yeeshay saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo faray in la qaado tallaabooyin amni oo lagu sugayo magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran.

Kulamada uu madaxweynuhu la yeeshay saraakiisha amniga ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Baydhabo iyo sidii looga hortagi lahaa weerarro ka iman kara Al-Shabaab iyo ciidamada daacadda u ah hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Aadan Madoobe ayaa ciidamada ku amray inay ka howlgalaan goobaha looga shakisan yahay in laga soo abaabulo weerarrada lagu beegsanayo Baydhabo, iyadoo qorshuhu yahay in la xoojiyo difaaca magaalada iyo waddooyinka muhiimka ah.

Sida Wararka24 loo sheegay, ciidamada federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa loo diyaariyay inay fariisimo cusub ka sameystaan duleedka Baydhabo, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo ka yimid Dowladda Federaalka ay shalay magaalada gaareen.

Aadan Madoobe ayaa horey Dowladda Federaalka uga dalbaday taageero ciidan oo dheeraad ah, si loo xoojiyo amniga Baydhabo. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in dowladda ay fulisay qaar ka mid ah ballamihii ay horey ula gashay maamulka Koonfur Galbeed.

Qorshahan ayaa kusoo aadaya xilli Baydhabo ay ka jirto xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo xasaasi ah, iyadoo dhinacyo kala duwan ay isku hayaan maamulka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, weli si rasmi ah looma shaacin waqtiga ay ciidamada bilaabayaan howl-gallada, waxaana isha lagu hayaa tallaabooyinka xiga ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

17 hours ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

2 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

3 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

3 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

4 days ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

4 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.