Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Aadan Madoobe oo sheegay inaan loo dulqaadan doonin amni darrada Baydhaba kadib werarkii..

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in maamulkiisu uu qaadi doono tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada Baydhaba iyo deegaannada kale ee maamulka, isagoo xusay inaan loo dulqaadan doonin falalka amni darrada…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 16, 2026, 6:06 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Aadan Madoobe oo sheegay inaan loo dulqaadan doonin amni darrada Baydhaba kadib werarkii..
Share

Wararka24: Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in maamulkiisu uu qaadi doono tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada Baydhaba iyo deegaannada kale ee maamulka, isagoo xusay inaan loo dulqaadan doonin falalka amni darrada ah.

Aadan Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyay kalfadhiga koowaad ee kulanka shanaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, halkaas oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada. Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu mudnaan siin doonto sugidda amniga, furista waddooyinka iyo wax ka qabashada cabashooyinka shacabka.

“Dhibaatada taagan oo ay kamid tahay amni darrada iyo cabashada jidadka xiran waxaan ku dadaali doonnaa in caqabadahaas shacabka Koonfur Galbeed laga dulqaado, uguna shaqeyno si daacadnimo ah,” ayuu yiri hoggaamiyaha Koonfur Galbeed. Wuxuu intaas ku daray in maamulka uu wado qorshe lagu adkeynayo nabadda, isla markaana aan loo dulqaadan doonin falalka wax u dhimaya amniga.

Hadalka Aadan Madoobe ayaa yimid saacado kadib markii dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo sida ay sheegeen ilo deegaanka ah ku billowday weerar madaafiic ah, kadibna isu beddelay iska horimaad u dhexeeyay ciidamada maamulka iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Sidoo kale waxaa la sheegay in askar ka kala tirsan labada dhinac ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka, inkastoo aan weli la shaacin tiro rasmi ah.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka cusub ee Koonfur Galbeed uu bilaabay shaqadiisa, kaddib caleema-saarka Sheekh Aadan Madoobe iyo dhaarinta Golaha Wasiirrada cusub, iyadoo maamulka uu wajahayo caqabado la xiriira amniga iyo xasilloonida deegaannada uu ka taliyo.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.