Wararka24: Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in maamulkiisu uu qaadi doono tallaabooyin lagu xoojinayo amniga magaalada Baydhaba iyo deegaannada kale ee maamulka, isagoo xusay inaan loo dulqaadan doonin falalka amni darrada ah.
Aadan Madoobe ayaa hadalkan ka jeediyay kalfadhiga koowaad ee kulanka shanaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, halkaas oo lagu dhaariyay xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada. Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu mudnaan siin doonto sugidda amniga, furista waddooyinka iyo wax ka qabashada cabashooyinka shacabka.
“Dhibaatada taagan oo ay kamid tahay amni darrada iyo cabashada jidadka xiran waxaan ku dadaali doonnaa in caqabadahaas shacabka Koonfur Galbeed laga dulqaado, uguna shaqeyno si daacadnimo ah,” ayuu yiri hoggaamiyaha Koonfur Galbeed. Wuxuu intaas ku daray in maamulka uu wado qorshe lagu adkeynayo nabadda, isla markaana aan loo dulqaadan doonin falalka wax u dhimaya amniga.
Hadalka Aadan Madoobe ayaa yimid saacado kadib markii dagaal ka dhacay magaalada Baydhaba, kaas oo sida ay sheegeen ilo deegaanka ah ku billowday weerar madaafiic ah, kadibna isu beddelay iska horimaad u dhexeeyay ciidamada maamulka iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac, islamarkaana ay waxyeello kasoo gaartay dad rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Sidoo kale waxaa la sheegay in askar ka kala tirsan labada dhinac ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalka, inkastoo aan weli la shaacin tiro rasmi ah.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka cusub ee Koonfur Galbeed uu bilaabay shaqadiisa, kaddib caleema-saarka Sheekh Aadan Madoobe iyo dhaarinta Golaha Wasiirrada cusub, iyadoo maamulka uu wajahayo caqabado la xiriira amniga iyo xasilloonida deegaannada uu ka taliyo.


















