Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maxkamadda Sare oo burisay natiijadii doorashadii Galmudug

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa burisay natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, kuwaas oo la qabtay 30-kii Luulyo 2026. Maxkamaddu waxay sheegtay in habkii loo maamulay doorashooyinka uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 24, 2026, 12:56 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Maxkamadda Sare oo burisay natiijadii doorashadii Galmudug
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa burisay natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, kuwaas oo la qabtay 30-kii Luulyo 2026. Maxkamaddu waxay sheegtay in habkii loo maamulay doorashooyinka uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.‎‎

Go’aanka oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashi Yuusuf Axmed, ayaa lagu sheegay in doorashadu ka leexatay mabaadi’da doorasho xor, xalaal iyo caddaalad ah. Maxkamaddu waxay tilmaantay in khaladaadkii dhacay intii ay doorashadu socotay ay si weyn u saameeyeen hufnaanta iyo xalaalnimada natiijooyinka kasoo baxay.‎‎

Maxkamaddu waxay sidaas darteed amartay in la qabto doorashooyin cusub oo lagu soo dooranayo Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug. Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa loo xilsaaray inuu diyaariyo doorashooyinka cusub, kuwaas oo lagu qabanayo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah.‎‎

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa sidoo kale faray in doorashooyinka cusub si buuxda loogu hoggaansamo Dastuurka Federaalka Soomaaliya, Sharciga Doorashooyinka, Sharciga Dhismaha Guddiga iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay muhiim u tahay in doorashada cusub ay yeelato sharciyad iyo kalsooni.

‎‎Si looga fogaado firaaq maamul oo saameyn ku yeelan kara adeegyada bulshada iyo xasilloonida Galmudug, Maxkamaddu waxay go’aamisay in hay’adaha hadda jira ay sii wataan shaqadooda. Hay’adahaasi waxay xilalka sii haynayaan ilaa laga soo doorto hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.‎‎

Maxkamaddu waxay sheegtay in go’aankaas lagu saleeyay danta guud, joogtaynta maamulka iyo baahida looga hortagayo xaalad maamul la’aan ah. Dhanka kharashaadka dacwadda, waxay go’aamisay in dhinac kasta uu iska bixiyo kharashaadka uu ku galay dacwadda.‎‎

Go’aanka ayaa yimid kadib markii Xisbiga Towfiiq iyo qaar ka mid ah axsaabtii ka qayb gashay doorashada ay horay uga digeen natiijooyinka kasoo baxay. Dhinacyadaasi waxay ku doodeen in natiijooyinku aysan waafaqsanayn shuruucda doorashada, taas oo ugu dambeyn keentay in arrinta loo gudbiyo Maxkamadda Sare.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

2 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.