Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

43 Soomaali ah oo qirtay eedeymo burcad-badeednimo oo ka dhan ah

Afartan iyo saddex muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay falal la xiriira burcad-badeednimo ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, xilli ay ka hor muuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 7, 2026, 12:10 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
43 Soomaali ah oo qirtay eedeymo burcad-badeednimo oo ka dhan ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Afartan iyo saddex muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay falal la xiriira burcad-badeednimo ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, xilli ay ka hor muuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Eedeysanayaashan ayaa ka mid ahaa 44 qof oo Ciidanka Badda Hindiya ay qabteen bishii Maarso 2024, kaddib hawlgallo lagu soo furtay maraakiibta MV Ruen iyo Al-Kambar 786, kuwaas oo la sheegay in la afduubay, halka shaqaalihii saarnaana lagu haystay madax-furasho.

Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in ciidamada badda ay soo badbaadiyeen shaqaalihii maraakiibta, kadibna eedeysanayaasha loo gudbiyay booliiska magaalada Mumbai si dacwad loogu soo oogo.

Dowladda Hindiya ayaa ku soo oogtay dacwado ay ka mid yihiin afduub lagu dalbanayay madax-furasho, ku xadgudubka sharciga la-dagaallanka burcad-badeedda, jebinta sharciga hubka, xeerarka baasaboorrada iyo sharciga ajaanibta.

Qoraal loo gudbiyay maxkamadda, 43-ka eedeysane ayaa sheegay inay muddo ku dhow laba sano ku jireen xabsi ku-meel-gaar ah, isla markaana ay la kulmeen caqabado ay ka mid yihiin kala duwanaanshaha luqadda, dhaqanka, cuntada iyo hab-nololeedka.

Waxay sidoo kale sheegeen inaysan haysan qaraabo ama saaxiibo u dhow oo taageero siiya, ayna si iskood ah u qirteen eedaha loo haysto, iyagoo caddeeyay inaan lagu qasbin qirashadooda.

Eedeysanayaashu waxay maxkamadda ka codsadeen in loo tixgeliyo duruufahooda gaarka ah, iyagoo sheegay inay yihiin dad danyar ah, isla markaana tani ay tahay markii ugu horreysay ee lagu soo eedeeyo falal noocan oo kale ah.

Maxkamadda ayaa dib u dhigtay go’aanka kama dambaysta ah ee kiiska, si eedeysanayaasha loo siiyo waqti dheeraad ah oo ay dib ugu eegaan qirashadooda kahor inta aan si rasmi ah loo aqbalin ama xukun lagu ridin.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

12 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

12 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.