• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya
Share

Wararka24: Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaanay doorkiisa nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe loogu qaaday daryeel caafimaad.

Geerida Imaamka ayaa murugo ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka tacsiyeynayaan geerida marxuumka oo door muuqda ka soo qaatay arrimaha bulshada iyo xallinta khilaafaadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka hadlay kaalintii uu Imaam Maxamed Yuusuf Cali ku lahaa geeddi-socodkii nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka haldoor qaran oo muddo dheer ka shaqeynayay xoojinta wadajirka bulshada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in dadaallada uu sameeyay Imaamka ay ka mid ahaayeen waxqabadyo muhiim ah oo lagu xasuusan doono.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Alle uga baryay marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali ayaa ka mid ahaa isimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee muddo dheer ku howlanaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo xal u helidda khilaafaadka bulshada dhexdeeda ka jira.

Geeridiisa ayaa loo arkaa mid ay si weyn u dareemayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu caan ku ahaa kaalintiisa ku aaddan nabadeynta iyo mideynta bulshada.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.