Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaanay doorkiisa nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe loogu qaaday daryeel caafimaad.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 3, 2026, 5:49 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ku geeriyooday dalka Hindiya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Allaha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf Cali, oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaanay doorkiisa nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, halkaas oo muddooyinkii dambe loogu qaaday daryeel caafimaad.

Geerida Imaamka ayaa murugo ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay ka tacsiyeynayaan geerida marxuumka oo door muuqda ka soo qaatay arrimaha bulshada iyo xallinta khilaafaadka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka hadlay kaalintii uu Imaam Maxamed Yuusuf Cali ku lahaa geeddi-socodkii nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka haldoor qaran oo muddo dheer ka shaqeynayay xoojinta wadajirka bulshada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in dadaallada uu sameeyay Imaamka ay ka mid ahaayeen waxqabadyo muhiim ah oo lagu xasuusan doono.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Alle uga baryay marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali ayaa ka mid ahaa isimada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee muddo dheer ku howlanaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda, wada noolaanshaha iyo xal u helidda khilaafaadka bulshada dhexdeeda ka jira.

Geeridiisa ayaa loo arkaa mid ay si weyn u dareemayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, maadaama uu caan ku ahaa kaalintiisa ku aaddan nabadeynta iyo mideynta bulshada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.