Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaallada ka socda gudaha Itoobiya ay saameyn ku yeelan karaan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Digniinta waxaa soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo Khamiistii wareysi siiyay telefishinka TRT World.
Wasiirka ayaa sheegay in amniga labada dal uu isku xiran yahay, maadaama ay wadaagaan xuduud dheer iyo xiriir bulsho, dhaqaale iyo taariikheed oo qoto dheer.
Wuxuu ka walaacay in haddii xasillooni darrada Itoobiya ay sii dheeraato, Addis Ababa ay ku qasbanaan karto inay dib u yeerato qeyb ka mid ah ciidamadeeda AUSSOM.
Sidoo kale wuxuu sheegay in ay suurtagal tahay in la yareeyo taageerada ciidamadaasi siiyaan ciidamada dowladda ee la dagaallamaya kooxda Al-Shabaab.
Cali Balcad ayaa intaa ku daray in colaadda Itoobiya ay si toos ah u saameyn karto Soomaalida ku dhaqan Dowlad Deegaanka Soomaalida, oo xuduud la leh Soomaaliya.
Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee ciidamo ku leh howlgalka AUSSOM. Qorshe ay Soomaaliya iyo Midowga Afrika isla meel dhigeen bishii Febraayo 2025 ayaa Itoobiya loogu qoondeeyay 2,500 oo askari.
Ciidamada Itoobiya ee AUSSOM ayaa ka mid ah kuwa ku sugan Beledweyne iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.
Digniinta Soomaaliya ayaa timid xilli Itoobiya ay wajaheyso dagaallo ka socda waqooyiga dalkaas.
Bishii Sebtembar ayaa dib u qarxay dagaal u dhexeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo ciidamada uu hoggaamiyo xisbiga TPLF, taasoo burburisay heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee la saxiixay 2022.
Horraantii Oktoobar, ciidamada dowladda iyo kuwa la shaqeeya ayaa dib ula wareegay magaalada Mekelle, xarunta gobolka Tigray, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada TPLF.
Dhinaca kale, gobolka Amxaarada ayaa isna ka jira rabshado, halka xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu xumaaday kadib markii labada dal ay jareen xiriirkii diblomaasiyadeed horraantii Oktoobar.
Ilaa hadda lama hayo jawaab ka timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan hadallada wasiirka.









