Wararka24: Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay galabta la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ceelbaraf ee gobolkaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay bilaa dagaal kula wareegtay degmadaasi.

Ciidamadii ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in ay isaga baxeen, ka dib markii ay ka war heleen in Shabaabka ay ku soo wajahan yihiin. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabku ay guryaha qaarkood kala baxeen tiro dad ah, iyadoo aan la ogeyn waxa dadkaasi ay ka damacsan yihiin.
Al Shabaab oo la wareegtay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa imanaya…
Xilli ay maleeshiyadu weerar culus ku ekeeyeen deegaanada Cali Fooldheere, Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca, iyo Alkowsar ee gobolkaasi. Dowladda Federaalka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadu ay iska caabiyeen maleeshiyadaasi, isla markaana ay ka dileen 130 nin.
Al Shabaab ayaa waxay dhankeeda sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaalka kula wareegeen deegaanadaasi, waxayna sidoo kale sheegtay in ay dileen tiro badan oo ka mid ah Ciidamada Dowladda.
Weeraradan ayaa loo fasirtay kuwo ay Shabaabku ku carqaladeynayaan hawlgalka ka soconaya deegaanada Hirshabelle, ee la doonayo in lagu xoreynayo dhulka maqan.
- Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027
- Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug
- Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,
- Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo
- Turkiga oo beeniyay inuu 15,000 oo askari u dirayo Somaliya
Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

Xulka qaranka Soomaaliya ayaa 2-0 looga adkaaday Ghana ciyaar ka tirsan isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027.
Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland ayaa ciidamo u dirtay deegaanka Roox ee gobolka Mudug, kadib xiisad sababtay dhimashada hal qof.
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland ayaa diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka, waxayna hakisay iskaashiga maaliyadeed ee Muqdisho.











