• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Fahad Yaasiin oo digniin u diray madaxda dalka kadib xarigga Shub

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Fahad Yaasiin oo digniin u diray madaxda dalka kadib xarigga Shub
Share

Wararka24: Agaasimihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa si kulul uga hadlay xabsi guriga la geliyay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Shub.

Fahad Yaasiin ayaa farriin uu soo saaray ugu digay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre in ay ka fiirsadaan tallaabadaasi, isaga oo ku tilmaamay mid abuuri karta dhaqan cusub oo khatar ku ah nidaamka dowladnimada.

Wuxuu sheegay in aan horey loo arag masuul xil laga qaaday oo si toos ah xabsi loogu beddelo, isagoo arrintaas ku tilmaamay mid aan horay uga dhicin siyaasadda dalka.

Fahad ayaa ugu baaqay madaxda sare inay si degdeg ah u sii daayaan Jeneraal Shub, isaga oo ka digay cawaaqib ka dhalan kara haddii tallaabadan la sii wado.

“Albaabkan haddii la furo lama yaqaano halka uu ku dambeyn doono,” ayuu yiri Fahad, isagoo muujiyay walaac ku aaddan mustaqbalka nidaamka siyaasadeed.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Shub ayaa haatan ku jira xabsi guri, iyadoo ciidamada ammaanka ay si buuxda ula wareegeen ilaalinta hoygiisa, isla markaana la xaddiday dhaqdhaqaaqiisa.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeyso amar sare, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta, iyadoo la tuhunsan yahay inay la xiriirto xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.