
Ciidanka Puntland ayaa Jimcihii si buuxda ula wareegay xaruntii ay kooxda Daacish ku lahayd Dhaban-qooxle, oo ka tirsan deegaanka Uur Caleed ee Gobolka Bari.
Xaruntan oo ku taalla dhul aan la degganeyn, una dhow Dooxada Dharoor, ayaa muhiim u ahayd Daacish, maadaama ay qayb ahaan ka fidsan tahay Degmooyinka Ufeyn iyo Iskushuban.
Hawlgalka lagu qabsaday Dhaban-qooxle wuxuu qeyb ka yahay wajiga saddexaad ee dagaalka Puntland kula jirto Daacish, waxaana ciidamada dagaalka billaabeen Jimcihii – maalinta ugu horreysay ee wejigan cusub.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa habeen hore shaaciyey dhammaadka wejigii labaad ee howlgalkan, isagoo caddeeyey in wajiga saddexaad uu bilaabanayo Jimcaha.
“Howlgalka ma istaagayo ilaa Puntland laga cirib tiro argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, oo shacabka la hadlayay. “Hadafku waa in kooxahan laga suuliyo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”
Ciidanka Puntland ayaa si xawli ah ugu sii siqaya deegaannada ay Daacish ku sugan tahay, iyadoo kooxda ay luminayso dhulkii ay tobanaan sano ka urursaneyd.



Ugu aqrinta badan
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Wararka24: Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareysay tallaabooyin ay ku eedeysay…
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed (Axmed Madoobe), ayaa ka digay in Somaaliya ay u…
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Dagaal habeennimadii Khamiista, 19-ka Noofembar, ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa…












