
Wararka24: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaciyay in la soo gaba-gabeeyay wejiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, loona gudbi doono wejiga saddexaad, kaas oo bilaabanaya 28-ka Febraayo.
Deni oo xalay khudbad u jeediyay shacabka Puntland ayaa sheegay in wejiga labaad lagu ciribtiray xarumo muhiim ah oo Daacish ay ku lahayd deegaanka Dhasaan, halkaas oo lagu tababari jiray dagaalyahannada kooxda iyo xubnaha fuliya weerarrada is-miidaaminta.
“Xogaha la helay iyo warbixinnada la wadaagay dalalka nala shaqeeya waxay caddeeyeen in Dhasaan, Dhadaar iyo Shebaab ay ahaayeen xarumo muhiim u ah Daacish, laguna tababari jiray xubno falal argagixiso ka geysta meelo ka baxsan Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.
Madaxweynaha Puntland Deni ayaa wuxuu intaas ku daray in xubno la tababaray ay weerarro ka geysteen Waqooyiga Ameerika, Yurub, Carabta iyo Aasiya, halka hoggaanka kooxda uu saldhig ka dhigtay aaggaas.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in halista Daacish aysan ku koobnayn Puntland iyo Soomaaliya oo keliya, balse ay tahay mid caalami ah oo ka faa’iidaysatay firaaqada amni ee ka jirta gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dagaallada Yemen iyo burburka amni ee ka jira dalal kale oo ay kooxdu uga gudbeyso dalalka kale.
“Xaaladda dalka iyo kuwa deriska ah, gaar ahaan dagaalka ka socda Yemen iyo dhibaatooyinka Geeska Afrika, waxay siiyeen fursad ay uga faa’iidaystaan marinada Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo Badda Carabta,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Puntland ayaa la dagaalanka Daacish bilowday 4-tii Febraayo, kaddib markii wejiga koowaad lagu guuleystay bishii Janaayo. Ciidamada difaaca Puntland ayaa xilligan ku sugan meelihii ugu dambeysay ee Daacish ay kaga sugnaayeen Buuraleyda Calmiskaad.
Deni ayaa xusay in dagaalka lagu ciribtirayo Daacish uu sii socon doono ilaa laga suuliyo kooxdan, isagoo xusay in Puntland aysan ka helin taageero muuqata dowladda federaalka, inkastoo Villa Somalia ay bogaadisay hawlgalka.
Wararka Ugu Aqrinta Badan
NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in howlgalka,…
Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cabdullaahi…
Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu dhawaan…










