
Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in Puntland Waa Diiday Inay Dowladda Ka Caawiso Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish ee ka socda gobollada waqooyi-bari ee dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu diiday in dowladda federaalka ay gacan ka geysato dagaalka socda. “Waxaan haynaa caddeymo muujinaya in dowladda albaabada laga xirtay, iyadoo haddana nalagu eedeynayo inaanan kaalin ka qaadan dagaalka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo maamulka Puntland ku eedeeyay in ay xannibeen kaalmada dowladda federaalka.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka lagu dhaliilayo in aysan qaadan doorkii looga baahnaa dagaalka socda.


Inkasta oo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac u dhexeeya, haddana waxa loo baahnaa in la iska kaashado dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee dalka dhibaateynaya. Waa masuuliyad saaran qof kasta in uu gacan ka geysto difaaca amniga qaranka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu xusay in ay hayaan caddeymo cad, ayna Puntland diiday in dowladda federaalka ay ka caawiso dagaalka, inkastoo ay hore u jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay labada dhinac.
- NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah
- Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro
- Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan
- Netanyahu oo difaacay tallaabada milateriga Israa’iil xilli ay wakiillo ka baxeen hoolka ka hor khudbaddiisa QM
- Fahad Yaasiin oo cambaareeyay dhimista lacagaha qoysaska askarta dhimatay
NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in howlgalka, oo ay hay’addu sheegtay inay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamka, lagu bartilmaameedsaday goob ay ku urursanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.…
Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cabdullaahi Ibraahim Cabdi loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud…
Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu dhawaan amray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Golaha Shacabka ayaa 23-kii Sebtembar ansixiyay qaraar uu ku laalay Xeer Lr. 132 iyo…










