Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii ballaarinaya howlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish, iyagoo guulo ka gaaraya dagaalka ka socda Buuraleyda Calmiskaad. Ciidamadu waxay si qoto dheer ugu fidayaan deegaanada Balidhidin, Iskushuban, iyo Qandala, iyagoo dagaal ku qaaday goobo…

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
March 5, 2025, 11:39 pm EAT
Reading Time: 5 mins read
hawlgalka ciribtirka Daacish

Ciidanka Difaaca Puntland manta Dooxada Jaceyl Photo Credit Universal somali Tv

Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.
Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Puntland manta Dooxada Jaceyl Photo Credit Universal somali Tv

Wararka24: Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii ballaarinaya howlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Daacish, iyagoo guulo ka gaaraya dagaalka ka socda Buuraleyda Calmiskaad. Ciidamadu waxay si qoto dheer ugu fidayaan deegaanada Balidhidin, Iskushuban, iyo Qandala, iyagoo dagaal ku qaaday goobo ay hore u maamulayeen Daacish.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay gaareen dhulka muhiimka ah ee Isha Daltoonle iyo Isha Bilcil oo ku yaalla Dooxada Jaceyl, meel dhirirkeedu boqolaal mitir ka sarreeyo dhulka caadiga ah, taasoo difaac muhiim ah u ahayd Daacish. Weerarada cirka ee Imaaraadka Carabta ay fuliyeen toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa suurageliyay in ciidamada Puntland ay horumar weyn ka sameeyaan howlgalkan.

Shalay galab, ciidamada Puntland ayaa la wareegay difaacyadii ay Daacish hore uga samaysatay buuraha sare ee Dooxada Jaceyl. Taliska Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka illaa inta laga ciribtirayo Daacish.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in hoggaamiyaha Daacish, Cabdiqaadir Muumin Cali, uu hadda yahay bukaan la yaal, isla markaana aanu lahayn awood uu dagaalka ku hogaamiyo. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud, oo ah ku-xigeenka hoggaanka Daacish, inuu joojiyo dhalinyarada uu ku luminayo dagaalka.

“Cabdiraxmaan Faahiye Ciisow, Cabdiqaadir Muumin gacanta wax kuma haysaan, qoyska ay ka dhashayna waa kuwa ciidanka horsocda. Dhallinyarada aad halaagayo jooji,” ayuu yiri Taliyaha.

Wuxuu intaas ku daray in haddii baaqooda la dhagaysan waayo, ay ciqaabta ay mudan yihiin ku ridi doonaan. DGP ayaa bishii saddexaad dagaal kula jirta Daacish, iyagoo howlgalka ay ugu magac dareen “Hawlgalka Ciribtirka Daacish” uu guulo la taaban karo gaaray..

ciidanka Puntland ayaa jimcihii lasoo dhaafay si buuxda ula wareegay xaruntii ay kooxda Daacish ku lahayd Dhaban-qooxle, oo ka tirsan deegaanka Uur Caleed ee Gobolka Bari,

Xaruntan oo ku taalla dhul aan la degganeyn, una dhow Dooxada Dharoor, ayaa muhiim u ahayd Daacish, maadaama ay qayb ahaan ka fidsan tahay Degmooyinka Ufeyn iyo Iskushuban

Guushaan maanta ay ciidamadu ka gaareen ee deegaanada Balidhidin, Iskushuban, iyo Qandala, oo ay hore u maamulayeen Daacish ayaa dhigan in Ciribtirka wakhtigiisa lajoogo..

Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni ayaa habeen hore shaaciyey dhammaadka wejigii labaad ee howlgalkan, isagoo caddeeyey in wajiga saddexaad uu bilaabanayo Jimcaha.

Sawiro Ciidanka DGP ee manta Dooxada Jaceyl

Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Difaaca Puntland
Ciidanka Difaaca Puntland

Wararka Ugu Aqrinta badan

  • Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

    Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

    ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (HSJ) ayaa beenisay warqad baraha bulshada lagu faafiyay, oo sheegaysay in dowladdu ay muwaadiniinta Somaliyeed ka mamnucday…

    Sii Aqri


    November 21, 2026
  • Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

    Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

    ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa sheegay inay howlgallo ay ka fuliyeen koonfurta deegaanka Leego ku dileen ilaa 21 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.…

    Sii Aqri


    November 21, 2026
  • Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

    Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

    ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Kooxaha mucaaradka Soomaaliya ayaa diiday dalab ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo uu ku doonayay inuu si toos ah ula wadahadlo, si loo…

    Sii Aqri


    November 21, 2026

Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.