
Wararka24: Shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayaa si ku-meel-gaar ah u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho, sababo la xiriira digniinaha amni ee soo baxay.
Shirkaddu waxay rakaabkeeda ku wargelisay in aysan wax duulimaad ah sameyn doonin inta u dhexeysa 5-ta illaa 12-ka Maarso 2025. Maamulka Turkish Airlines ayaan weli si faahfaahsan u sharraxin sababta go’aankan, balse hakinta duulimaadyada ayaa lala xiriirinayaa digniino ay hay’adaha caalamiga ah ka soo saareen xaaladda amniga Soomaaliya.
Go’aankan Turkish Airlines ayaa yimid kadib markii safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Talaadadii soo saartay digniin rasmi ah oo ay ku sheegtay in ay hayso “xog la hubo” oo muujinaysa suurtagalnimada weerarro argagixiso oo dhici kara.
Bayaan ka soo baxay safaaradda Mareykanka ayaa lagu xusay in khataraha la beegsan karo goobo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, dekedaha, xarumaha dowladda, hoteellada, suuqyada waaweyn, iyo goobaha ay dadku isugu yimaadaan. Waxaa sidoo kale la sheegay in weerarro lagu bartilmaameedsan karo kolonyo ciidan iyo saraakiil dowladeed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa tan iyo bishii Luulyo 2024 ku haysay Soomaaliya heegan safar oo heer afaraad ah, taasoo uga digaysa muwaadiniinteeda in ay u safraan dalka sababo la xiriira khataraha argagixisada iyo xasillooni darrada.
Si kastaba ha ahaatee, hakinta duulimaadyada Turkish Airlines ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta rakaabka caalamiga ah ee ku safra Muqdisho, maadaama ay shirkaddani ahayd mid ka mid ah diyaaradaha yar ee si toos ah uga duula caasimadaha Yurub una timaada Soomaaliya. Lama oga in hakintani ay sii socon doonto kaddib muddada lagu dhawaaqay iyo in kale.
Wararka manta
Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo khilaaf iyo dagaal, isaga oo ka…
Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha Puntland, iyadoo maamulka uu sheegay in…
Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka mid ah deegaannada ay dowladda hadda…










