Wararka24: 22-01-2026 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maanta safar ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono munaasabadda 90-guurada aas-aaska Ciidanka Cirka Itoobiya.
Xafladaha dabaal-degga ayaa la qorsheeyay inay socdaan inta u dhexeysa 23-ka illaa 27-ka Janaayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan madax iyo wufuud kala duwan oo ka socota dalalka gobolka iyo saaxiibada Itoobiya.
Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in inta uu safarku socdo la filayo kulan gaar ah oo dhex mara Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimo la xiriira xiriirka labada dal iyo xaaladda siyaasadeed ee gobolka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale la sheegay inuu doonayo inuu door dhexdhexaadin ah ka qaato khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Zayed, kadib markii dowladda Soomaaliya ay burisay heshiisyo iskaashi oo ay la lahayd Abu Dhabi.
Itoobiya ayaa xiriir istiraatiiji ah la leh Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, iyadoo labadaas dal ay la gashay heshiisyo dhinacyo badan taabanaya, kuwaas oo saameyn ku leh siyaasadda gobolka.
Safarkan ayaa noqonaya booqashadii sagaalaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago Itoobiya tan iyo markii uu xilka mar labaad la wareegay, ku dhowaad afar sano ka hor.
Inta uu joogo Addis Ababa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inuu Itoobiya kala hadlo mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyo saameynta arrintaasi ku yeelan karto xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, magaalada Addis Ababa ayaa lagu wadaa inay horraanta bisha Febraayo martigeliso shir-madaxeedka Midowga Afrika, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda dalalka Afrika.
















