• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dagaal Culus Oo Markale Ka Qarxay Magaalada Kudhaa Ee Jubbada Hoose

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Kudhaa
Share

Wararka24: 22-01-2026 Wararka laga helayo deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saakay markale uu ka qarxay gudaha magaaladaas dagaal culus oo u dhexeeya maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Dagaalka ayaa la soo warinayaa inuu yahay mid aad u xooggan, iyadoo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub kala duwan, waxaana dhawaqa hubka culus laga maqlayay deegaano ka fog magaalada Kudhaa, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilo ku sugan Kudhaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xalay ku hoydeen gudaha magaalada, kadib markii shalay dagaal culus ay kula wareegeen gacan ku haynteeda.

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa saakay qaaday weerar dhowr jiho ah oo ay dib ugu galeen magaalada, waxaana la soo warinayaa in dagaalka uu sababay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah.

Illaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin maamulka Jubbaland oo ku saabsan dagaallada saacadahii la soo dhaafay ka dhacay Kudhaa, balse waxaa la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay ka bixiyaan saacadaha soo socda.

Lasoco WARARKA24 wixii kusoo kordha warkaan.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.