• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba.

Farmaajo ayaa ka digay halista ka dhalan karta waxa uu ku tilmaamay qorshe dhiillo wata oo ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in xaaladdu ay khatar ku tahay xasilloonida deegaanka iyo badqabka shacabka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in xiisaddan ay wiiqi karto dadaallada dowlad dhiska iyo geeddi socodka siyaasadeed ee dalka, haddii aan si degdeg ah xal loogu helin.

Madaxweynihii hore ayaa xusay in weli ay jiraan fursado lagu dejin karo xaaladda, haddii dowladda federaalka ay muujiso niyad wanaag islamarkaana ay furto wadahadal dhab ah oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka.

Farmaajo ayaa horay u taageeray madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, isagoo sidoo kale ka digay in dalka uu geli karo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah haddii aan la gaarin heshiis qaran.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay is afgarad siyaasadeed oo ballaaran ka hor dhammaadka muddada xilka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku eg 15 May 2026.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay is biirsadeen xiisado siyaasadeed iyo xaalado bani aadannimo oo saameyn ku leh dalka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.